Warbixin: “Falanqayn iftiimisay fursadaha cusub iyo iskaashiga dan-wadaaga ah
ee Somaliland iyo Washington!!!”
Addis Ababa (Dawan) Horn Review, oo ah hay’ad madax-bannaan oo ku takhasustay arrimaha cilmi-baadhista, siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika, ayaa daabacday warbixin cinwaankeedu yahay Dib-u-habeynta Juqraafi-Siyaasadeed ee Somaliland iyo Iskaashigeeda Wax-ku-oolka ah ee Washington (Somaliland’s Geopolitical Realignment and Functional Partnership with Washington), taas oo si qoto dheer u falanqaynaysa fursadaha sii kordhaya ee iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo danaha wadaagga ah ee gobolka.
Warbixintan, oo uu qoray Hermela Kidane, oo ah khabiir iyo cilmi-baadhaha sare oo uu ku takhakhusay arrimaha Geeska Afrika, isla markaana uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa soo bandhigtay falanqayn qoto dheer oo ku saabsan jihada cusub ee xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka. Warbixintu waxay iftiimisay sida iskaashiga labada dhinac uu u sii kobcayo, iyadoo diiradda lagu saarayo danaha wadaagga ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda gobolka.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeyay Somaliland iyo Mareykanka uu soo jiray sannado badan, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, wadaagga xogaha sirdoonka iyo sugidda amniga xeebaha. Sida lagu sheegay warbixinta, waxaa hadda socda dadaallo diblomaasiyadeed oo xoogan oo ay wadaan Somaliland iyo Washington kuwaasi oo ay ujeeddadoodu in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Waxa kale, oo ay warbixintu tilmaantay in Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, ay dhistay hay’ado dowladeed, sidoo kalena ay hirgelisay doorashooyin tartan leh, isla markaana ay si buuxda u ilaalisay nabad iyo xasillooni. Sida ay warbixintu ku dooday, arrimahaasi waxay Somaliland ka dhigayaan lammaane lagu kalsoonaan karo, maadaama ay leedahay hay’ado dowladeed oo shaqaynaya, nidaam doorasho iyo awood ay ku maamusho deegaannadeeda ay ka taliso iyo xuduudaheeda.
Dhanka kale, warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Dekedda Berbera, taas oo ku taalla meel muhiim u ah marin-biyoodka Bab el-Mandeb. Sida lagu sheegay falanqaynta, goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo Berbera ayaa lagu tilmaamay fursad istaraatiiji ah oo ay si weyn u danaynaynayso dawladda Maraykanku, si loo xoojiyo amniga badda, ilaalinta isu socodka ganacsiga caalamiga ah iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.




















