Tallaabada ay Qaadday ETA-IL: Astaan Muujinaysa Xidhiidhka Somaliland iyo Israel ee Sii Xoogaysanaya

0
9

Hargeysa (Dawan) Dawladda Israa’iil ayaa qaaday tallaabo cusub oo muujinaysa sii xoojinta xidhiidhka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay Somaliland ku dartay nidaamkeeda rasmiga ah ee codsiga oggolaanshaha safarka elegtarooniga ah ee loo yaqaan ETA-IL (Electronic Travel Authorization). Ku darista magaca Jamhuuriyadda Somaliland ee nidaamkan waxay astaan u tahay isbeddel muuqda oo ku yimid xidhiidhka labada dhinac. Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dhammaadkii sannadkii 2025, isla markaana ay labada dhinac ku dhawaaqeen inay xoojinayaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Sida ay ku warramayaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ahi, magaca Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hadda si rasmi ah uga muuqda liiska jinsiyadaha ee nidaamka ETA-IL, kaas oo ay isticmaalaan dadka doonaya inay codsadaan oggolaanshaha safarka ka hor inta aanay u dhoofin Israa’iil. Sidaa darteed, in magaca Somaliland uu si rasmi ah uga muuqdo nidaamka ETA-IL waxay u sahlaysaa muwaadiniinta Somaliland inay si elektaroonig ah u gudbiyaan codsiyada oggolaanshaha safarka, taasina waa tallaabo wax ku ool ah oo muujinaysa in xidhiidhka labada dhinac uu u gudbay heer ka ballaadhan hadal siyaasadeed oo keliya.

Ugu dambayn, ku darista Somaliland ee nidaamka ETA-IL waa horumar la taaban karo oo ka mid ah tallaabooyinka rasmiga ah ee lagu hirgelinayo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil. Sida xidhiidh kasta oo caalami ah, qiimaha ugu weyn ee fursadahan ayaa ah horumarka ballaadhan ee labada dhinac ay ka sameeyeen arrimaha iskaashi dhinacyada ganacsiga, beeraha, tiknoolajiyadda, caafimaadka, waxbarashada iyo maalgelinta.