Wasiirka Warfaafinta oo Ku Baaqay in la soo Afjaro Takoorka iyo kala Sooca Bulshada Dhexdeedda

0
9

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Deeqa iyo seygeeda Suheyb, ka dib markii uu xorriyaddiisa dib u helay kana soo baxay xabsiga. Wasiirka ayaa qoyska u rajeeyey nolol wanaagsan, isagoo Alle uga baryey inuu ku mannaysto ubad wanaagsan, arsaaq ballaadhan iyo aayatiin wanaagsan.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu bulshada ugu baaqay in la xoojiyo wadajirka, is-ixtiraamka iyo isku duubnida bulshada, isla markaana laga fogaado nooc kasta oo takoor iyo kala sooc ah, si loo adkeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland. Wasiir Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) ayaa sheegay in bulshada Somaliland ay tahay hal qoys oo walaalo ah, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiirrigeliyo iscafiska, is-qaddarinta iyo isku soo dhowaanshaha bulshada. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Alxamdullilaah’ Maanta (Shalay) Marwo Deeqa oo ay wada socdaan seygeedi Suheyb oo xorriyaddiisa dib u helay Xabsigana ka soo baxay ayaan Xafiiska ku qaabiley. Alle qoys ubad iyo arsaaq iyo aayatiin nololeed hela ha ka yeelo, dadku waa isku dhoon’e ha dhammaado takoorku.”

Sida uu sheegay wasiir Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), bulsho kasta oo horumar hiigsanaysa waxay ku dhisan tahay midnimo, is-ixtiraam iyo isu tanaasul. Marka ay jiraan dhacdooyin horseeda isu soo dhawaansho bulsho, waa fursad lagu xoojin karo wada noolaanshaha iyo qiyamka ay ku dhisan tahay bulshada Somaliland.

Kulankii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), uu la yeeshay Suheyb oo xorriyaddiisa dib u helay iyo marwadiisa Deeqa, wuxuu xambaarsanaa farriin ka baxsan kulan caadi ah. Wuxuu muujiyey muhiimadda ay leedahay isku duubnida bulshada iyo ka fogaanshaha takoorka iyo kala sooca bulshada dhexdeeda.

Bulshada Somaliland waxay ku suntan tahay wada noolaansho, is-garabsi iyo ilaalinta nabadda. Qiyamkaas ayaa saldhig u noqday xasilloonida iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in qof kasta uu ka shaqeeyo xoojinta isku duubnida bulshada, dhowrista sharciga, caddaaladda iyo karaamada muwaadiniinta. Dhammaadka takoorka iyo kor u qaadista is-ixtiraamka bulshada waa mas’uuliyad wada saaran hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo muwaadiniinta. Marka la xoojiyo qiyamkaas, waxaa sii adkaanaya nabadda, wadajirka iyo horumarka qaranka.

Ugu dambayn, farriinta ugu mudan waa in la sii xoojiyo walaalnimada, is-qaddarinta iyo wada noolaanshaha, si jiilasha maanta iyo kuwa berri ay u dhaxlaan bulsho mideysan, nabad ah oo horumar ku tallaabsata.