Wasaaradda Dawladaha Hoose ee JSL Oo Shaacisay Qorshe Cusub oo lagu Horumarinayo Degmoyinka Dalka

0
9

“Muddo waxa aanu ku hawlanayn sidii aannu u heli lahayn mashaaric dalka waxtar u leh”

Agaasime Guud Cali Cige Maxamuud

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda dawladaha hoose iyo hormarinta magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Cige Maxamuud, ayaa sheegay in Barnaamij horumarineed oo lagu magacaabo Bulsho uu bisha Sebtembar ka bilaabmi doono dhammaan degmooyinka dalka, isagoo beddelaya barnaamijkii GPLG, isla markaana xusay in mashaariic kale oo ay taageerayaan hay’adaha horumarintu ay si isdaba joog ah uga bilaabmi doonaan dalka. Agaasimaha guud ayaa sheegay in ay istaageen mashaariicdii horumarneed ee dalka ka soconayay ee ay bixin jireen qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka horumarka oo ay ka mid ahaayeen sanduuqa SDF oo ay dawlado badani ku bohoobeen kaas oo istaagay 2022 kii.

Waxaanu intaa ku daray in ka wasaarad ahaan ay muddo sannad iyo dheeraad ah ku hawlanaayeen sidii ay u heli lahaayeen mashaariic horumarineed oo degmooyinka dalka baahiyahooda wax lagaga qabto. Waxaa kale oo uu intaa ku daray in mudadii ay wasaarddu jirtay in ay gaadheen dhammaan degmooyinka dalka oo ka kooban 101 degmo oo ay 21 degmo yihiin degmo doorasho. Waxaanu caddeeyay in bisha sagaalaad ee sannadkan in uu dalka ka bilaabmayo barnaamij la yidhaahdo Bulsho oo halkii GPLG-ga u gelaya dawladaha hoose.

Agaasimaha guud waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan. Ugu horrayn agaasimaha guud Cali Cige Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay wasaaraddu jirtay waxaa uu yidhi. “Horta waraasaddu waxay jirtay mudada xukuumaddu xilka haysay, waxaanan uga mahad naqayaa Madaxweynaha oo gartay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga iyo dawladaha hoose in ay shaqadaasi hal meel ama wasaarad keliya ay ku tahay culays wayn oo dawladaha hoose iyo horumarnta magaalooyinka u sameeyay wasaarad gaar ah, taas oo ka mid ah maamul daadejinta dawladda, waxaanu samaynay markii ugu horraysay qiimayn aanu ku samaynay dhammaan degmooyinka dalka oo ka kooban 101 degmo oo kala derejo ah oo ay ka mid yihiin 21 degmo doorasho oo isugu jira A iyo B iyo inta kale oo C iyo D ah, markaan soo kormeernay ee soo qiimaynay degmooyinka mid kastaaba waxa ay haysato iyo waxa ay u baahan tahay in laga taageero, haddana waxaan u gudubnay dib u habaynta maamulkooda iyo tababarkooda iyo ka shaqaysiintooda oo markaanu halkan ku tababarnay ee ay degmooyinkii dib ugu noqdeen halkaa kagamaamu hadhin ee dib ayaan hadana ugu noqonay sida ay shaqadii qaranka u dabaqeen, taas oo aanu ku kormeerno ku kor joogtayno oo aanu toos ula socono, waxaa kale oo aanu wax ka bedelnay oo aanu wasaarad dhammaystiran ka dhignay dhismaha wasaaradda oo markii hore u qaabaysnaa una dhisnaa maxad ka tababarka dawladaha hoose, waxaan ku darnay dhisme hal dabaq ah, xafiisyo iyo hoolka wayn ee shirarka oo ay maanta wasaaradaha dawladdu naga wada martiyaan marka ay shaqo leeyihiin. Markaa lama soo koobi karo waxyaabaha noo qabsoomay mudadaa wasaaraddu ay jirtay.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mashaariicdii horumarineed ee dawladaha hoose halka ay ku dambeeyeen, ayaa yidhi. “Horta waxay xukuumaddu xilka la wareegtay iyadoo ay dhamman istaageen mashaariicdii horumarineed ee dalka ka socday,markaa waxaan ka hawl galnay oo aanu sannad iyo badh imika ku hawlanayn sidii aanu u heli lahayn mashaariic horumarineed oo wakhti iyo dedaal badana yaan gelinay meelo badan ayaan wax ka doonay albaabo badan ayaanu garaacnay markaa waxaan imika soo dhammaystirnay oo shaqadiisu ay bilaabmaysaa barnaamij la yidhaahdo Bulsho oo sidii GPLG-gii oo kale ah oo degmooyinka ka bilaabmaya waaxaanan wadnaa in degmooyinkii aan ku guulaysan in ay markii hore la wareegaan waxbarasahda hoose iyo caafimaadha ee degmooyinka waawayn ahaa in ay waxbarasshada hoose iyo caafimaadka la wareegaan sida ay Hargeysa Berbera iyo Gabilay hire arrintaa u dabaqeen oo Kalena ay u dabaqaan. Markaa mashruuc kale ayaa siana dhawaan biaabmaya oo ay naga taageerayso UNDP kuwo Kalena way daba socdaan.”

Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalka,ayaa yidhi. “Arrintaa waa hawl qaran oo qiimaynteeda iyo dib u eegiteeda iyo hawsheeda leh laakiin imika waxaynu ku shaqaynaa qaab is ogol ah oo degmooyinka yar yar ee D da ah waxaa lagu shaqeeyaa wax la yidhaahdo is ogo loo sadexda masuul ee maayerka iyo ku xigeenka iyo xoghayaha adeegaanada tuulooyinka ah ee ay kala metelaan ayaa degmada ku midooba oo ay Kuwada shaqeeyaan laakiin marka is qabsi yimaado degmada D da ah xadkeedu waa shan kiiloo mitir.”

Agaasimaha guud oo la waydiiyay muddo xileedka goleyaasha deegaanku marka ay dhammaato in ay is dooran karaan oo maayerada xilka ka qaadikaraan iyo in kale, ayaa yidhi. “Horta muddo kordhinta goleyaasha qaranka marka duuufi timaado ee soo jeedinka komishanka la helo ayay timaada waxaana loo kordhiyaa xukuumada iyo golaha wakiilada, laakiin haddi ay asbaab kastaaba ha keentee ay qabsoomi waydo doorashada goleyaasha deegaanku shaqadooda ayay sii wadanayaan sidii ay markii hore u shaqaynayeen ayuun baanay u shaqaynaan.”
Ugu dambayb agaasimaga guud ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka ayaa ka digay halista saamaynta ay bulshada ku yeelatay soo badasahda kaamamka barakacayaasha ah, waxaanu soo jeediyay in dadka abaaruhu saameeyeen in dib loo xooleeyo oo miyiga iyo xoolo dhaqashadii dib loogu celiyo.