Madaxweynaha JSL Oo Bulshadda Ugu Baaqay in ay Qur’aanka ka Dhigtaan Manhajka iyo Marjaca Noloshooda

0
10

Madaxweyne Cirro oo Somaliland ugu duceeyay nabad waarta, barwaaqo iyo midnimo Qaran

Madaxweynaha Somaliland oo daah-furay xulka Qurraa’da, duubista iyo daabacaada Qur’aanka

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay ka qayb-galay Xafladda Daah-furka Xulka Qurraa’da Somaliland, Duubista iyo Daabacaadda Qur’aanka Kariimka ah, oo ahayd munaasibad taariikhi ah oo kor loogu qaadayay adeegga, adkaynta iyo faafinta Kitaabka Alle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu yahay Adeegaha Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo bulshada Somaliland ugu baaqay in ay ku faro adaygaan Qur’aanka Kariimka ah iyo Diinteenna Suubban, isla markaana ay weyneeyaan Qiyamka Diinta Islaamka oo ah saldhigga nolosha bulshada, nabadda, akhlaaqda, caddaaladda iyo horumarka bulshada.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu bulshada JSL ugu baaqay in ay Qur’aanka Kariimka ah ka dhigtaan Manhajka iyo Marjaca noloshooda haga, kuna dhaqmaan tilmaamaha iyo tusaalaha wacan ee ay innagu hagayso Diinteenna Suubbani, si loo adkeeyo nabadda, walaalnimada, caddaaladda iyo wadajirka Qaranka JSL.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey kaalinta qiimaha leh ee ay Culimada Somaliland ku leeyihiin adkaynta nabadda, xasilloonida, hagidda bulshada, xoojinta wadajirka ummadda iyo kobcinta qiyamka Diinteenna Suubban ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Alle (SWT) ka baryey in uu Somaliland ku mannaysto nabad waarta, barwaaqo, midnimo Qaran iyo hoggaan ku dhaqma Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka (NNKH), isla markaana uu ka abaalmariyo dhammaan Culimada iyo Qurraa’da u taagan adeegga iyo adkaynta Diinta Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Barnaamijka Xulka Qurraa’da Somaliland uu yahay mashruuc qaran oo lagu kaydinayo laguna dhiirrigelinayo hibada akhriska Qur’aanka Kariimka, isaga oo xusay in barnaamijku ka bilaabmayo Somaliland, balse uu u furan yahay dhammaan dadka afka Soomaaliga ku hadla. “Maanta waxa aynu iskugu nimid Munasibada daahfurka Barnaamijka Xulka Qurraa’da Somalialnd oo ah barnaamij cusub oo ah in la duubo dadka leh hibada akhriska quraanka kariimka oo aynu ku bilaabayno dadka Somaliland, laakiin u furan dadka Af-ka Soomaaliga ku hadla.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay in qorshahani noqon doono dhaxal diimeed oo lagu ilaalinayo codadka Qurraa’da, laguna dhiirrigelinayo jiilasha soo koraya inay horumariyaan hibadooda akhriska Qur’aanka Kariimka. Waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay goosatay in barnaamijkan la fuliyo ay Xukuumad kafaalo qaado. Arrintani waxay dhiirigalinaysaa in dadka reer Somaliland soo bandhigaan hibada ay u leeyihiin Quraada. Waxa ay noqon doontaa wax u badkeennu ku faano oo ay tahay dhaxal aynu uga tagayno ubadkeena. Waxa nasiib wanaag ah Culimadeenii ka shaqaynayay 40-kii sanno ee ugu dambeeyay ee dhigayay Quraanka in ay saxaan barnaamijka duubista Waxa aan rajaynaynaa in aynu gacmaha isu qabsano Xukuumad ahaan iyo Culimada sidii aynu u fulinayno barmaamijka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu sheegay in Hargeysa ay maanta noqotay caasimaddii laga unkay tartanka iyo duubista Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana ay yeelatay maamuus cusub oo ka baxsan sumcaddii ay ku lahayd fanka iyo suugaanta, waxaanu yidhi “Waxa la odhan jiray Hargeysa waa Caasimadda fanka iyo suugaanta dalalka afka Soomaaliga ku hadla, laakiin Hargeysa waxa ay noqotay Caasimada laga bilaabay tartanka quraanka Kariimka ah, waxa kale oo ay noqotay caasimada laga bilaabay duubista quraanka ee dadka afka Soomaaliga ku hadla. Arrintaasi waa waajibaad ay qaateen aniga iyo Xukuumadaydu, waxaanuna noqon doonaa adeegaha quraanka kariimka. Waxaana inoo dhisan Idaacada quraanka kariimka, dadkuna si wanaagsan ayuu u dhagaystaa waxaana aan u mahad naqayaa Aamina Waris iyo Madaxweynaheenii hore Alle ha unaxariistee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo bilaabay Idaacada quraanka kariimka”.