Xiisad Diblomaasiyadeed Oo Ka Dhex Qaraxday Baraaziil Iyo Argentina

0
22

Brazil ayaa dib u soo celisay safiirkeedii u fadhiyay Buenos Aires ka dib markii madaxweynaha Argentina uu weeraray madaxweynaha Brazil, isaga oo ku tilmaamay “tuugo” iyo “maxbuus”. Javier Milei ayaa hadalkan ka jeediyay Axaddii isu soo bax ka dhacay Sao Paulo si loo bilaabo ololaha madaxtinimada ee musharraxa garabka midig ee Flávio Bolsonaro, kaas oo lagu wado inuu u tartamo doorashada bisha Oktoobar.

Isaga oo aan si cad u magacaabin Luiz Inácio Lula da Silva, wuxuu si sharaf dhac ah u tilmaamay madaxweynaha Brazil isaga oo la hadlaya Bolsonaro, kaas oo uu sii raaciyay inuu yahay kan kaliya ee “joojin kara Lula”.

Diblomaasiyiinta Brazil ayaa markii dambe sheegay in hoggaamiyaha Argentina uu aflagaadeeyay dowladda Brazil, dadkeeda, iyo dimuqraadiyaddeeda.

Isaga oo ka hadlayay Axaddii dambe, Lula wuxuu sheegay inuu sii wadi doono hoggaaminta “iyada oo aan cidna faragelin, iyo in Brazil, aanan aqbalin qof kasta oo sanka ku dhejiya meel aan loogu talagelin”.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa werisay in safiirka Brazil ee Argentina, Julio Bitelli, uu ku laaban doono gurigiisa inta u dhaxaysa Axadda iyo Isniinta.

Flavio Bolsanaro waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Brazil, Jair Bolsonaro, kaas oo sannadkii hore lagu xukumay in ka badan 27 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu maleegay afgambi la doonayay in xilka looga sii hayo ka dib markii uu doorashadii ugu dambeysay kaga adkaaday Lula.

Garsoorihii kormeerayay xukunkii Jair Bolsonaro, Garsooraha Maxkamadda Sare ee Brazil Alexandre de Moraes, ayaa sidoo kale Milei ugu yeedhay “qashin bidaar leh”.

Moraes ayaa sidoo kale horey u diiday Milei inuu booqdo madaxweynihii hore isaga oo xabsi guri ku jira Brasilia.

Sannadkii 2018, Lula waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah sababo la xidhiidha musuqmaasuq iyo laaluush , laakiin waa la sii daayay ka dib markii uu wax ka badan 18 bilood xidhnaa.

Xukunnada Lula waxaa baabi’isay Maxkamadda Sare sannadkii 2021-kii, doorashadii madaxtinimada sannadkii xigayna wuxuu si dirqi ah uga adkaaday Jair Bolsonaro oo ahaa madaxweynihii hore ee midigta fog , isaga oo ku guuleystay 50.9% codadka.