Dhibaatada Miisaanka iyo Naaxista Carruurta Talyaaniga: Saamaynta Pizzada, Baastta iyo Baradhada

0
5

 

Nolol maalmeedka Salvatore ma fududa. Markuu 17 jir yahay, miisaankiisu waa 170kg (26st 10lb) wuxuuna ku dhibtoonayaa inuu socdo. Ma xidhan karo xadhgaha kabaha, mootada Vespa ma qaadi karto – hal toddobaad gudaheed, taayiradeedu toddoba jeer ayay jabeen. “Si joogto ahna wax ayuu u cunaa,” sida ay tidhi hooyadiis Anna. Salvatore wuxuu ka mid yahay tiro sii kordheysa oo carruur iyo dhallinyaro Talyaani ah oo la nool cayilka ama Buurida. Dhibaatadu waxay si gaar ah ugu daran tahay koonfurta: qaybo ka mid ah gobolka Campania, in ka badan 40% carruurta siddeed iyo sagaal jirka ah ayaa buuran. Magaalada Ponticelli, oo ku taal duleedka Naples, waxay kasbatay sumcad aan la jeclayn oo ah mid ka mid ah caasimadaha buurida ama cayilka carruurta adduunka.

Waa korodh la yaab leh oo ka dhacay waddan muddo dheer loo arkayay hoyga ruuxiga ah ee cuntada Mediterranean-ka oo aanay ku jirin Pizza, Baradho iyo Basta. Maantana, carruurta Talyaanigu waxay ka mid yihiin kuwa ugu buuran Yurub, sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Salvatore ayaa qalliin nolosha wax ka beddelaya ka sugaya Isbitaalka Betania ee Ponticelli, halkaas oo Dr Sonja Chiappetta uu mudo 15 sano la tacaalayey daawaynta bukaanada cayilka daran qaba.

Sida uu sheegay Dr Sonja Chiappetta, inta badan bukaannadiisu waxay u badnaayeen da’da k konton jir. “Laakiin hadda bukaanadu waa dhallinyaro, oo ay da’doodu tahay 16 jir. Weliba ka sii yar, waana wax laga naxo.” Qalliinka ay sameyso wuxuu ka saarayaa ilaa 90% caloosha – taas oo la micno ah in dadku aanay awoodin inay cunaan cunto badan. Baahida ayaa si weyn kor ugu kacday qaybtan Talyaaniga. Laakiin Salvatore ayaa loo sheegay in aanu qalliinka heli karin. Miisaankiisu aad buu u badan yahay taas oo ka dhigaysa qalliinka mid aad khatar u ah.

Taa beddelkeeda, Dr Chiappetta ayaa u qoray irbad GLP-1 ah si loo yareeyo rabitaanka cuntada loona caawiyo inuu lumiyo miisaan ku filan qalliinka. Tobanaan sano, Talyaaniga waxaa loo arkayay tusaale cunto caafimaad leh. Cuntada Mediterranean-ka – oo hodan ku ah khudaarta, digirta, saliidda saytuunka, cuntada Baalka leh oo dhan iyo kalluunka. khabiirka Maraykan ah Ancel Keys iyo xaaskiisa, khabiirada bayoolajiga Margaret Keys, ayaa daraasad ku sameeyey bulshooyinka koonfurta Talyaaniga sannadihii 1950-meeyadii waxayna sheegeen cudurrada wadnaha oo aad u hooseeya iyo nolol caafimaad leh. Laakiin Talyaanigii dhiirigeliyay daraasadahaas ma jiro maanta. “Cuntada dhaqameed ee Mediterranean-ka ayaa la waayay,” ayuu yidhi Dhakhtar Valter Longo, oo ah agaasimaha Machadka Longevity ee Jaamacadda Koonfurta California. “10% oo keliya ayaa Talyaanigu runtii raacaan.” Dr Longo wuxuu cuntada casriga ah ee Talyaaniga ku soo koobayaa waxa uu ugu yeedho “shanta P: pizza, baasto, baradho, borotiin iyo pane.  Ereyga Pane afka Talyaaniga waa rootiga.

Isbeddelku meel walba wuu ka muuqdaa: laga bilaabo khaanadaha waaweyn ee lagu kaydiyo cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ilaa biisayada lagu iibiyo xaleefyo lagu tuulay baradho shiilan, sausage iyo cunto fudud oo la shiilay. Dhakhtar Roberto Berni Canani, oo ah dhakhtar carruurta iyo khabiir ku takhasusay cayilka oo ka tirsan Jaamacadda Federico II ee Naples, ayaa maalin kasta arka cawaaqib xumada. “Waxaan daweeyay carruur da’doodu tahay laba ama saddex sano oo miisaankoodu yahay 25kg,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in waalidiinta badankood aanay aqoonsanayn in carruurtoodu cayilan yihiin. “Waxay ii yimaadaan dhibaatooyin kale awgood – qufac, calool xanuun, shuban. Ma oga in miisaanka ilmahooda uu yahay waxa sababaya.” Cayilku waa “cudur faafa oo sii kordhaya oo caalami ah”, sidaa waxa tidhi WHO. In ka badan hal bilyan oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa hadda cayilan, cayilka carruurnimadana wuxuu afar jibaarmay tan iyo 1990. Sannadkii 2025, Talyaanigu wuxuu noqday waddankii ugu horreeyay ee meel mariya sharci qaran oo u aqoonsanaya cayilka cudur daba-dheeraada, horumarsan oo soo noqnoqda.