Middle East: “Michael Rubin oo Dalka Maraykanka ugu Baaqay Inuu Aqoonsado Somaliland”

0
10

“Somaliland: Furaha Amniga Badda Cas iyo Ganacsiga Caalamka”

Middle East oo Falanqaysay Sababta Somaliland muhiim ugu tahay siyaasadda Maraykanka

Washington (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay Middle East Forum ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay Somaliland u leedahay danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqaalaha iyo khayraadka dabiiciga ah. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in aqoonsiga ama xoojinta iskaashiga Somaliland uu shirkadaha Maraykanka u abuuri karo fursado dhaqaale oo ballaadhan, gaar ahaan maalgashiga Dekeddaha iyo ka faa’iidaysiga macdanta qaaliga ah iyo kuwa naadirka ku ah adduunnka (rare earth minerals) ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Warbixintan, oo uu qoray falanqeeyaha arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha Bariga Dhexe Michael Rubin, isla markaana uu Wargeyska Dawan soo xigtay, ayaa lagu falanqeeyay doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo sida ay uga qayb qaadan karto sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, maadaama oo sida warbixintu sheegtay ay Iran iyo kooxda Xuutiyiintu khatar ku yihiin isu socodka maraakiibta caalamiga ah ee mara Bab el-Mandeb, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Falanqeeyaha ayaa ku dooday in Somaliland ay muhiim u tahay danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka, isagoo yidhi: Mareykanku waa inuu qaataa Somaliland oo muhiim u ah danaha Maraykanka iyo guusha dagaalkan, sababtoo ah muhiimada juqraafiyadeed iyo goobteeda istaraatiijiga ah, taas oo ay dheertahay xeeb dhererkeedu yahay 530 mayl oo ku taalla Gacanka Cadmeed. Sidaa darteed, Maraykanku waa inuu aqoonsadaa, isla markaana si dhaw ula shaqeeyaa Somaliland si uu u jebiyo saamaynta Iran iyo Xuutiyiinta ee carqaladaynaysa ganacsiga iyo isu-socodka maraakiibta.”

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay leedahay goob juqraafiyeed oo istaraatiiji ah, maadaama oo ay leedahay xeeb dhererkeedu yahay ku dhowaad 530 mayl oo ku taalla Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Waxa kale oo lagu xusay in Dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ay yihiin kaabayaal muhiim ah oo loo adeegsan karo hawlgallada lagu sugayo amniga marin-biyoodka iyo ilaalinta isu-socodka maraakiibta caalamiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay kaga duwan tahay inta badan Geeska Afrika dhinaca xasilloonida iyo amniga, iyadoo isbarbardhig lagu sameeyay Soomaaliya oo ay sheegtay inay muddo dheer wajahaysay caqabado amni. Sidoo kale, waxa lagu dooday in Iran iyo kooxda Xuutiyiintu ay khatar ku yihiin isu-socodka maraakiibta mara Bab el-Mandeb iyo Badda Cas, isla markaana iskaashi dhow oo Maraykanku la yeesho Somaliland uu gacan ka geysan karo xoojinta amniga marin-biyoodkaas.

Dhinaca dhaqaalaha, warbixintu waxay xustay in Somaliland ay leedahay fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin Dekedda Berbera iyo khayraad dabiici ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay faa’iido u yeelan karaan shirkadaha Maraykanka haddii Washington ay ballaadhiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Somaliland.

Gabagabadii, Michael Rubin wuxuu soo jeediyay in Maraykanku dib u eego siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland, isla markaana uu aqoonsado ama xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay si loo adkeeyo amniga gobolka loona ilaaliyo xorriyadda isu-socodka ganacsiga caalamiga ah. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay Taiwan isla markaana ay u janjeedho dhinaca Maraykanka, halka ay warbixintu Soomaaliya ku sheegtay in ay xidhiidh dhow la leedahay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Turkiga.