Xisaabiyaha Guud oo Daah-furay Tabobar Lagu Tayeynayo Shaqaalaha Xafiiska

0
10

Hargeysa (Dawan) Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xasan Muuse Khaliif ayaa shalay daah-furay tabobar taxane ah oo lagu kobcinayo aqoonta, waayo-aragnimada iyo xirfaddaha shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda. Tabobarkan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, iyadoo kaashanaysa Baanka Horumarinta Afrika (AfDB) waxa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah tayeynta iyo casriyeynta maamulka maaliyadda dawladda. Mawduucyada tabobarka waxaa ka mid ah habraacyada kharash-bixinta iyo dakhli-xeraynta, adeegsiga Nidaamka Maamulka Xogaha Maaliyadda Somaliland (SLFMIS), ku-dhaqanka iyo hirgelinta Xeerka Maamulka Maaliyadda ee dib loo habeeyey iyo xeer-nidaamiyeyaashiisa, nidaamka xakamaynta iyo hubinta dabar-gudeedyada iyo maamulka deeqaha laga helo qaadhaan-bixiyeyaasha.

Sidoo kale, tabobarku waxa uu diiradda saarayaa halbeegyada caalamiga ah ee xisaabaadka ee la xidhiidha diyaarinta xisaab-xidhka iyo warbixinnada maaliyaddeed ee dawladda iyo sidoo kale anshaxa shaqo, hufnaanta iyo dhawrsanaanta looga baahan yahay xirfadlayaasha xisaabaadka.

Xidhiidhiyaha Mashruuca Baanka Horumarinta Afrika ayaa ka hadlay muhiimadda tabobarkan, isagoo tilmaamay doorka uu ka qaadanayo xoojinta awoodda iyo tayeynta shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Xasan Muuse Khaliif, oo si rasmi ah u furay tabobarka, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo horumariyo aqoonta iyo xirfaddaha shaqaalaha, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada iyo nidaamyada casriga ah ee maamulka maaliyadda. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey shaqaalaha iyo dhammaan hawl-wadeennada Xafiiska Xisaabiyaha Guud inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan tabobar.

Tabobarkan taxanaha ah ayaa ka kooban shan qaybood oo waaweyn, iyadoo qayb kasta soconayso saddex maalmood oo xidhiidh ah, taas oo wadarta tabobarku noqonayso 15 maalmood. Waxaa la filayaa in tabobarka ay ka faa’iidaystaan ku dhawaad 150 shaqaale oo ka tirsan Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda.