Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbaahinta AfriNews 24 ayaa baahisay warbixin cusub ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga ee Somaliland iyo Israel, iyadoo tilmaantay in xidhiidhka labada dhinac uu yeelan karo dhinacyo ka ballaadhan qalab milatari oo keliya. Warbixintu waxay sheegtay in wararka laga helayo iskaashiga labada dhinac ay tilmaamayaan iskaashi ku saabsan sirdoonka, sahanka iyo xog-ururinta, amniga badda, samatabbixinta, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isgaadhsiinta milatariga iyo tiknoolajiyadda difaaca.
AfriNews 24 waxay si gaar ah u xustay muhiimadda tababbarro la xidhiidha sahanka iyo xog-ururinta, ilaalinta xeebaha iyo amniga badda ee ku xeeran Berbera, iyo horumarinta awoodaha gurmadka degdegga ah. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay suurtagalnimada in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil si weyn u xoojiyo adeegsiga drones-ka, nidaamyada isgaadhsiinta milatariga ee ammaanka ah, iyo khibradaha injineernimada iyo hawlgallada miino-saarka.
Qaybta ugu weyn ee warbixintu waxay ahayd suurtagalnimada iskaashi mustaqbalka ah oo ku saabsan nidaamyada difaaca cirka sida Iron Dome, diyaaradaha milatariga iyo drones-ka sahanka. Sidoo kale warbixintu waxay xustay in haddii iskaashiga noocan ahi sii ballaadho ay Somaliland yeelan karto hannaan amni oo isku dhafan, kaas oo aan ku tiirsanaan doonin oo keliya hub iyo qalab ciidan, balse isku dari kara sirdoon, sahamin, ilaalinta badda, isgaadhsiin ammaan ah, shaqaale tababbaran iyo tiknoolajiyad casri ah.
AfriNews 24 waxay sidoo kale xoogga saartay goobta istaraatiijiga ah ee Berbera iyo sida ay ugu dhowdahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Iyada oo xustay in haddii awoodaha amni ee Somaliland ay sii horumaraan, aanay saameyntoodu ku koobnaan doonin Somaliland oo keliya, balse ay door muuqda iyo saamayn ballaadhan ku yeelan doonaan a Geeska Afrika iyo guud ahaan amniga Badda Cas.




















