Qore Daahir Cabdi Ciise
Hargeysa (Dawan) Geeska Afrika wuxuu sannadihii u dambeeyay noqday gobol si weyn u soo jiitay indhaha quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka. Muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, marin-biyoodka Bab el-Mandeb iyo isku socodka ganacsiga caalamiga ah ayaa gobolka ka dhigay meel muhiim u ah amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamka.
Dhacdooyinkii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar 2023 waxay sii kordhiyeen muhiimadda Geeska Afrika. Xiisadaha ka dhacay Badda Cas iyo khataraha soo wajahay maraakiibta ganacsiga waxay muujiyeen in marin-biyoodkani yahay halbowlaha ganacsiga caalamiga ah, isla markaana xasilloonidiisu ay saameyn toos ah ku leedahay dhaqaalaha iyo amniga dalal badan oo dunida ah.
Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed. iyadoo leh xeeb dheer iyo dekedda Berbera oo ku taalla meel muhiim u ah isku xirka ganacsiga Geeska Afrika iyo suuqyada caalamiga ah. Juqraafiyadda Somaliland, sidaas darteed. ma aha oo keliya arrin juqraafiyeed, balse waxay leedahay qiime istaraatiiji ah oo sii kordhaya. Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyey xiisahooda ku aaddan Geeska Afrika. Sababaha arrintan ka dambeeya waxaa ka mid ah amniga Badda Cas, ganacsiga caalamiga ah, dekedaha, tamarta, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta marin-biyoodka caalamiga ah.
Aqoonsiga Israa’iil: Albaab Cusub oo Somaliland u Furmay
Aqoonsiga Israa’iil wuxuu Somaliland u noqon karaa tallaabo muhiim ah oo cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah. Marka laga eego dhinaca siyaasadda caalamiga ah, aqoonsi rasmi ah oo ka yimaadda dowlad kale wuxuu Somaliland siin karaa fursad ay ku ballaadhiso xidhiidho ay la leedahay dalal iyo hay’ado caalami ah. Muddo dheer. Somaliland waxay dadaal ugu jirtay inay bulshada caalamka u muujiso awoodda hay’adaheeda, nidaamkeeda siyaasadeed, amnigeeda iyo kaalinta ay ka qaadan karto xasilloonida gobolka. Hase yeeshee, caqabadda ugu weyn waxay ahayd in dalal badan ay ka gaabsadaan inay qaadaan tallaabo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsigeeda.
Haddii aqoonsiga Israa’iil uu horseedo in dalal kale ay si dhab ah dib ugu qiimeeyaan mowqifkooda ku aaddan Somaliland, waxay noqon kartaa isbeddel muhiim ah oo ku yimaadda jihada diblomaasiyadda Somaliland. Waxaa sidoo kale suuragal ah in aqoonsigaasi uu kordhiyo fursadaha Somaliland u leedahay inay yeelato xidhiidh rasmi ah oo cusub, heshiisyo iskaashi, maalgashi iyo wada-shaqayn dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidaas awgeed, muhiimadda ugu weyn ee tallaabadani ma aha oo keliya xidhidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, balse waxay ku jirtaa saamaynta ay ku yeelan karto albaabbada kale ee diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Juqraafiyadda Somaliland iyo Fursadda Istaraatiijiyadeed Somaliland waxay leedahay fursad istaraatiiji ah oo ka dhalanaysa goobteeda juqraafiyeed. Waxay ku taallaa meel u dhow mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan adduunka, taas oo siinaysa muhiimad gaar ah marka laga hadlayo ganacsiga, amniga badda iyo isku xirka Afrika iyo Bariga Dhexe.
Dekedda Berbera waxay noqon kartaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Somaliland kaga faa’iidaysan karto muhiimaddeeda juqraafiyeed. Horumarinta dekedda, waddooyinka, ganacsiga iyo adeegyada la xidhiidh gaadiidka waxay Somaliland ka caawin karaan inay si weyn uga dhex muuqato dhaqaalaha gobolka. Si kastaba ha ahaatee, juqraafiyad wanaagsan oo keliya kuma filna in la gaadho natiijo siyaasadeed. Waxaa loo baahan yahay siyaasad dibadeed oo qorshaysan, diblomaasiyad firfircoon iyo awoodda Somaliland ay ku muujin karto in muhiimaddeeda istaraatiijiyadeed ay tahay fursad wadaag ah oo gobolka iyo beesha caalamkaba anfici karta.
Diblomaasiyadda Somaliland. Albaab ka Furma, Albaabna Furaya
Haddii Somaliland ay si xeeldheeri leh uga faa’iidaysato isbeddellada cusub, aqoonsiga Israa’iil wuxuu noqonday bilow u horseeda xidhiidh cusub oo caalami ah.
Dowladaha kale waxay si dhow u eegi karaan sida xidhiidhka cusub u horumaro iyo waxa uu Somaliland ka tari karo dhinacyada amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka. Taasi waxay Somaliland siin kartaa fursad ay ku soo bandhigto dooddeeda siyaasadeed iyo himiladeeda aqoonsi si toos ah oo ka duwan sidii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waa inay ilaalisaa siyaasad dibadeed oo dheellitiran. Waa muhiim inay xidhiidh wanaagsan la yeelato dalal badan oo Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Aasiya iyo Waqooyiga Ameerika, iyadoo aan siyaasaddeeda dibadeed ku koobnayn dhinacyo kaliya ah. Tallaabada ugu muhiimsan ee Somaliland hadda waa inay aqoonsiga Israa’iil u beddesho xidhiidho diblomaasiyadeed oo ballaadhan, fursado dhaqaale, iskaashi istaraatiiji ah iyo taageero caalami ah oo dheeraad ah.
Gunaanad
Isbeddellada ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas waxay muujinayaan in muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland ay sii kordhayso. Juqraafiyadda Somaliland, dekedda Berbera iyo goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed waxay siinayaan fursad ay ku noqoto qayb muhiim ah oo ka mid ah isbeddellada gobolka.
Aqoonsiga Israa’iil, haddii uu sii horseedo xidhidho iyo aqoonsiyo kale, wuxuu Somaliland u noqon karaa albaab diblomaasiyadeed oo fura albaabbo kale oo badan. Sidaas darteed, muhiimaddu kuma eka tallaabada koowaad ee aqoonsiga, balse waxay ku jirtaa sida Somaliland uga faa’iidaysan karto fursaddaas si ay u ballaadhiso xiriirrada caalamiga ah.
Mustaqbalka Somaliland wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay u isticmaasho muhiimaddeeda juqraafiyeed, u xoojiso diblomaasiyaddeeda, u ballaadhiso saaxiibbadeeda caalamiga ah, isla markaana uga faa’iidaysato fursadaha cusub ee ka dhashay isbeddellada Geeska Afrika. Aqoonsi wuxuu noqon karaa albaab; laakiin diblomaasiyadda xeeldheer ayaa go’aaminaysa inta albaab ee Somaliland ka sii furmi kara.




















