Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradd waxbarashada barbaarinta iyo sayniska Somaliland, Ismaaciil Yuusuf Ducaale ayaa sheegay in ay shirkadda isgaadhisiinta ee Telesom la xisaabtami doonaan ka dib markii shirkadu ay shalay lacag ku xidhay eegasha ardayda ee natiijadda Imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda 4aad ee dugsiga sare iyo fasallada 8aad ee dugsiga hoose dhexe ee ay shalay wasaaraddu shaacisay imtixaankooda.
Wasiirka wasaaradd waxbarashada Somaliland, Ismaaciil Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay inay gebi ahaanba qalad ahayd in arday 8 ilaa 12 sano wax soo baranayey lacag lagu xidho si uu u ogaado natiijada imtixaankiisa, taasi oo shirkadda Telesom qasab ka dhigtay in ardaygu ku shubto adeeg internet oo ah 0.4 ka dibna ardaygu imtixaankiisa ka ogaanayey adeega loo yaqaan Aqoon-maal.
Mudane Ismaaciil Yuusuf Ducaale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu ka xumaanay in ay soo baxeen maanta (shalay) in halkii ardayda lala qaybsan lahaa farxadda in shirkada Telelsom waalidiinta ku soo rogto lacag si ardaygu imtixaankiisa u eegto, waannu la xisaabtamaynaa, ciddii waxaa ku kacdayna talaabo ayaanu ka qaadi doonaa”.
Wasiirka ayaa waxa uu shirkadda isgaadhsiinta ee Telesoma ugu baaqay inay ka noqdaan talaabada ay qaadeen ee ka dhanka ah ardayda, isla markaana la duldhigay lacagta si uu adeega Aqoon-maal uga eegto natiijadda kama dambaysta ah ee imtixaankiisa, taasi oo wasiir Ismaaciil Yuusuf Ducaale ku tilmaamay inay ahayd talaabo qalad ah.




















