Berbera (Dawan) Gelitaanka Dekedda Berbera ayaa lagu xidhay in qofku haysto kaadhka aqoonsiga ee loo oggol yahay gelitaanka dekedda, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay xoojinta amniga iyo kala dambaynta dekedda.
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Abokor Cawil Cumar, ayaa kulan amni la yeeshay masuuliyiinta iyo waaxyaha kala duwan ee ka hawlgala Dekedda Berbera. Kulanka oo ay ka qayb galeen Ciidanka Booliska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, DP World iyo Kastamka Berbera, ayaa lagu lafa’gurey sidii loo adkayn lahaa nidaamka amniga iyo gelitaanka dekedda.
Masuuliyiinta ayaa isla eegay muhiimadda ay leedahay in dadka gudaha u galaya dekedda si rasmi ah loo aqoonsado, iyadoo qof kasta oo gelaya looga baahan yahay inuu wato kaadhka aqoonsiga ee loogu talagalay gelitaanka.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa nidaamka hubinta dadka iyo kala dambaynta gudaha Dekedda Berbera, oo ah xarun muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha. Maareeye Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, si loo xaqiijiyo badqabka dekedda, shaqaalaha iyo dhammaan dadka adeegyada ka raadsada.




















