Shaqo-Abuurku Waa Rejadda Jiilka Cusub ee Somaliland

0
7

Qore Faysal Yuusuf Cali Kacaa

‎‎Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa go’aanka Xukuumadda Somaliland ee lagu shaaciyey in la qaadanayo 1,300 shaqaale-dowladeed ah, iyadoo fursadaha shaqo loo qaybinayo gobollada, lana marayo hannaan tartan iyo daahfurnaan ku dhisan. ‎Tallaabadani waa mid muhiim ah oo rejo weyn u abuuri karta dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan kumannaan qof oo aqoon, karti iyo shahaadooyin haysta balse muddo ku jiray shaqo-raadin.

‎‎Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Xukuumaddiisa, dadaalka ay gelinayaan shaqo-abuurka, horumarinta hay’adaha dowladda iyo abuurista fursado ay dhalinyaradu aqoontooda ugu adeegaan dalkooda.

‎‎Shaqo-abuurku ma aha oo keliya in qof mushahar helo; waa in qofka dhalinyarada ahi helo rejada mustaqbalka, karaamada uu ku shaqeysto, iyo fursadda uu aqoontiisa ugu adeegayo dalkiisa. ‎Waxaan rejaynayaa in tallaabadani ay noqoto bilowga barnaamijyo shaqo-abuur oo joogto ah, si loo yareeyo shaqo la’aanta Somaliland, loona kordhiyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada, haweenka iyo dadka aqoonta leh ee dalka.‎

‎Waxaan sidoo kale ku dhiirrigelinayaa dhammaan dhalinyarada in ay ka faa’iidaystaan fursaddan, diyaariyaan dukumentiyadooda, aqoontooda iyo khibraddooda, isla markaana ku tartamaan si cadaalad, karti iyo hufnaan ku dhisan. ‎Madaxweyne, tallaabada shaqo-abuurka ah waa tallaabo rejo gelinaysa bulshada. Mahadsanid.