Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in mucaaradka Tuareg ay sii daayeen ilaa 60 askari oo ka tirsan ciidamada Mali iyaga oo ku beddelay mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda, oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada Mali oo markii la qabtay sheegay inuu yahay sarkaal ka soo goostay oo lagu magacaabo Inkinane Ag Attaher.
Ag Attaher wuxuu ahaa shakhsi caan ka ahaa Jabhadda Xoreynta Azawad (FLA) ee uu hoggaamiyo Tuareg markii ay ciidamada amniga Nigeria ku xidheen meel u dhow xadka Niger iyo Nigeria sanadkii 2025. Waxaa lagu eedeeyay inuu abaabulay tababar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn, isku dubaridka weerarrada dhimashada leh ee ka dhacay Mali iyo inuu u dhaqmay sidii xidhiidhiye caalami ah.
“Qiyaastii 60 askari ayaa Khamiis la soo dhaafay loo qaaday Niger si loogu beddelo Inkinane Ag Attaher iyo shakhsiyaad la sheegay inay xidhiidh la leeyihiin JNIM [Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin],” koox xidhiidh la leh al-Qaacida, sida ay ilo amni oo Mali ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Heshiiska waxaa si toos ah u kormeeraysay dowladda Niger, sida ay sheegtay ilo kale oo amni. Mohamed El Maouloud Ramadane, oo ah afhayeenka FLA, ayaa soo dhaweeyay sii deynta Ag Attaher qoraal uu soo dhigay Facebook, isaga oo u diray “rajo geesinimo, xoog iyo xasillooni ku aaddan sii socoshada halganka”.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee sii deynta maxaabiista ay dagaalyahannada xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo fallaagada Tuareg, dadka la siidaayey waxa la sheegay in ay ku jiraaan calooshood u shaqeystayaasha Ruushka, ay ku qabsadeen waqooyiga Mali. Falaagada Tuareg waxay sheegeen in qaar ka mid ah raggooda oo ku xidhnaa xabsiyada Mali la sii daayay.
Ilo wareedyo ku sugan Mali ayaa u sheegay in Aljeeriya iyaduna ay gacan ka geysaneysay dhexdhexaadinta sii deynta askarteeda. Isniintii, Jeneraal Abdoulaye Maiga, ra’iisul wasaaraha Mali, ayaa booqday Algiers si uu dib ugu soo celiyo wadahadallo heer sare ah oo uu la yeeshay dowladda Aljeeriya ka dib xiisado ka dhashay is-afgarad la’aan ku saabsan amniga gobolka.
Bamako ayaa si cad u diiday wadahadallo ay la yeelanayso kooxo ay ugu yeedho argagixiso, laakiin wararka la sii daayay waxay soo jeedinayaan in marinnada isgaadhsiinta ay furan yihiin inta dagaalku socdo.
JNIM iyo FLA waxay sheegteen mas’uuliyadda weerarro taxane ah oo dhacay Abriil 25 oo lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Bamako iyo dhowr meelood oo kale. Maalintaas, Wasiirkii Difaaca Sadio Camara ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gurigiisa oo ku yaal Kati.
Labada kooxood waxay sidoo kale sheegteen mas’uuliyadda weerarradii lagu qaaday saldhigyada ciidamada ee dalka Mali 4-tii Luulyo.
Elisee Jean Dao, oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Mali, ayaa digniin u dirtay kuwa sii wada dagaalka ka dhanka ah ciidamada Mali.
Milatariga ayaa dalka xukumayay tan iyo afgambigii 2021, iyagoo ballan qaaday inay soo celin doonaan kala dambeynta iyo mideynta dalka.
JNIM ayaa xoogaysatay tan iyo markii askartii Mali ee xukunka la wareegay ay ka saareen ciidamada Faransiiska iyo ilaa 15,000 oo nabad ilaaliyayaal Qaramada Midoobay ah, waxayna u jeesteen ciidamada Ruushka si ay u helaan taageero difaac.
Iyadoo FLA ay isu soo bandhigto dhaqdhaqaaq qaran oo cilmaani ah oo raadinaya madax-bannaanida gobolka Azawad ee Mali, JNIM-na ay tahay koox xidhiidh la leh al-Qaacida, labada dhinac waxay dhinac iska dhigeen kala duwanaanshaha fikradeed si ay ula dagaallamaan dowladda Mali.




















