Niger: Fallaago Weerar ku Qaaday Madaxtooyadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Dalkaas

0
7

Rasaas iyo qaraxyo joogto ah u dhacayey ayaa laga maqlayey meelo badan oo ka mid ah caasimadda Niger, Niamey, Sabtidii hore, sida ay sheegeen laba goobjooge oo ka tirsan Reuters, iyada oo aan si degdeg ah loo caddayn sababta. Ilo amni ayaa u sheegay Reuters in Fallaago aan la aqoonsan ay weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada isla markaana ay isku dayeen inay jebiyaan amniga agagaarka madaxtooyada.

“Waxaa jira rasaas xooggan iyo qaraxyo ka dhacay Saldhigga 101 ee Niamey,” mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay AFP, warbixin ay xaqiijiyeen dhowr markhaati oo kale, isla markaana tilmaamaysa saldhig milatari oo weyn oo ku yaal Niamey. Bana Wagana Ibrahim, oo ah xubin ka tirsan Xafiiska Golaha Wadatashiga ee Niger iyo ku xigeenka baarlamaanka Isbahaysiga Dowladaha Sahel (AES), ayaa Facebook ku sheegtay in weeraryahannadu ay bartilmaameedsadeen Saldhigga 101 laakiin ciidamada amnigu iska caabiyeen.

“Weerar kale oo fulaynimo ah oo lagu qaaday Saldhigga 101, haddana ciidamada difaaca iyo amniga ayaa xaqiijiyay… Xaaladda ayaa la xakameeyay,” ayuu qoray Ibraahim. Wakaaladda wararka ee Reuters isla markiiba ma xaqiijin karto sheegashooyinka ay sameeyeen ilo-wareedyada amniga iyo Ibrahim. Ilo kale oo amni ayaa u sheegay Reuters in ciidamada ammaanku ay bilaabeen howlgallo baadhitaan ah, isla markaana dadkii weerarka soo qaaday  ay dhinteen, iyada oo kuwa kalena ay baxsadeen.

Markhaatigii labaad wuxuu sheegay in rasaastu ay ahayd mid culus oo joogto ah oo ka dhacday agagaarka madaxtooyada. Rasaas ayaa dib uga bilaabatay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Niamey abbaare 02:13 GMT, sida uu sheegay goobjoogihii ugu horreeyay. Niger, oo ah dal hodan ku ah macdanta Galbeedka Afrika oo leh kheyraad muhiim ah oo yuraaniyam, saliid iyo dahab ah, ayaa waxaa xukumayay militariga tan iyo afgambigii bishii Luulyo 2023 ee xilka looga tuuray Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, dowladdii militariga ee Jeneraal Abdourahamane Tchiani waxay ka guurtay la-hawlgalayaasha reer galbeedka, waxay xidhiidh qoto dheer la yeelatay Ruushka waxayna ku biirtay Mali iyo Burkina Faso AES, oo ah go’doon ka yimid urur goboleedka ECOWAS.