Golaha Wakiillada Somaliland oo Ka Dooday Wax-ka-beddelka Xeerka Waddo-marista

0
7

Hargeysa (Dawan) Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, kaas oo lagaga wada hadlay wax-ka-beddelka Xeerka Waddo-marista Gaadiidka iyo sidii loo xoojin lahaa dhaqangelintiisa.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa waxa guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Xasan Cali (Casoowe), waxaana ka qaybgalay xubnaha guddida iyo hawl-wadeennada. Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, Maxamed Cige Cidheere, ayaa guddida siiyey warbixin ku saabsan xaaladda waddooyinka iyo caqabadaha haysta ciidanka, gaar ahaan dhinacyada badbaadada waddooyinka, nidaaminta gaadiidka, calaamadaha waddooyinka iyo yaraynta shilalka gaadiidka.

Guddidu waxay dhegaysatay talooyinka iyo baahiyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, iyadoo labada dhinac ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa xeerka, loona xoojin lahaa fulintiisa.Waxa sidoo kale la isku raacay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso iyo adkaynta ilaalinta shuruucda waddo-marista, si loo yareeyo shilalka iyo khasaaraha ka dhasha. Wax-ka-beddelka Xeerka Waddo-marista ayaa muhiim u ah hagaajinta nidaamka gaadiidka, kala-dambaynta waddooyinka iyo kor u qaadista badbaadada dadka isticmaala waddooyinka.