Xikmadda

0
16
  • Qofna uma beddeli karo noloshaada sida aad adigu u beddeli karto.
  • Haddii aad awooddo fikirka arrin, waxaad awood u leedahay inaad samayso.
  • Ha sugin xaaladuhu inay kuu wanaagsanadaan, adigu xaaladaha u samee sida aad rabto.
  • Qofka aan lahayn yool cad wuxuu noqonayaa qayb ka mid ah qorshaha dadka kale.
  • Dhibaatadu ma aha waxa kugu dhaca, ee dhibaatadu waa sida aad uga falceliso waxa kugu dhaca.
  • Fikirka wanaagsan wuxuu abuuraa dareen wanaagsan, dareenka wanaagsanna wuxuu horseedaa ficil wanaagsan.
  • Noloshaada ma beddeli kartid ilaa aad beddesho fikirkaaga.
  • Qofka guulaysta wuxuu arkaa fursad meel uu qofka kale ka arko caqabad.
  • Wax kasta oo aad maskaxdaada si joogto ah ugu sawirto, waxaad kordhinaysaa fursadda uu xaqiiqo ku noqon karo.
  • Haddii aad rabto inaad dadka beddesho, marka hore naftaada beddel.
  • Rajo la’aantu waa albaabka guuldarrada, rajadu waa bilowga guusha.
  • Qofka naftiisa xakameeya ayaa ka xoog badan qofka dadka kale xakameeya.

Waqtigu waa nolosha; qofkii waqtigiisa lumiya wuxuu luminayaa qayb ka mid ah noloshiisa