Wasaaradda Maaliyadda oo Horumarinaysa Nidaamka Dakhliga Nootayoyinka

0
11

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa horumarinaysa nidaamka online-ka ah ee qabashada iyo maamulka dakhliga ka soo xarooda adeegyada nootaayooyinka dalka, iyadoo diiradda saaraysa dardargelinta hirgelinta Habraaca Wada-shaqayneed ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maaraynta dakhliga nootaayooyinka. Habraacan oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland.

Arrintan ayaa ka dambaysay kulan laba-geesood ah oo ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Caddaaladda Somaliland ku yeesheen xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista adeegsiga nidaamka online-ka ah ee maamulka dakhliga ka soo xarooda adeegyada nootaayooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo casriyeyn lahaa nidaamka, loona xoojin lahaa hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo fududaynta habraacyada la xidhiidha dakhliga nootaayooyinka, iyadoo agaasimayaasha guud ee labada Wasaaraddood ay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo adeegsiga nidaamka dijitaalka ah, oo wax weyn ka taraya kor u qaadista isla-xisaabtanka iyo fududaynta maaliyadeed ee dalka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa maamulka dakhliga ka dhasha adeegyada nootaayooyinka, gaar ahaan habraacyada la xidhiidha kala-wareejinta hantida guurtada iyo ma-guurtada ah, iyo sidii nidaamka online-ka ahi uu kaalin ballaadhan uga qaadan lahaa fududaynta adeegyadaas muhuumka ah u daah-furnaanta nimaadmka dhaqaale iyo maaliyadeed ee Somaliland.

Gabagabadii kulanka, labada Wasaaradood ayaa kala saxeexday Habraac Wada-shaqayneed, kaas oo qeexaya qaabka loo hirgelinayo loona maaraynayo nidaamka online-ka ah ee qabashada iyo maamulka dakhliga nootaayooyinka. Habraacan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya isku-xidhka iyo wada-shaqaynta labada Wasaaradood, korna u qaadaya hufnaanta dakhli-qabashada iyo casriyeynta adeegyada la xidhiidha nootaayooyinka iyo kala-wareejinta hantida guurtada iyo ma-guurtada ah.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo si rasmi ah loogu baahiyay barta internetka ee wasaradda Maaliyadda Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan: “Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Maxamed Xasan Saleebaan  oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Cabdi ayaa guddoomiyey kulan laba-geesood ah oo ay labada Wasaaradood ku yeesheen Xarunta-dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista adeegsiga nidaamka online-ka ah ee qabashada iyo maaraynta dakhliga ka soo xarooda adeegyada nootaayooyinka dalka, si loo horumariyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo fududaynta habraacyada la xidhiidha dakhliga nootaayooyinka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’addaha, loona horumarin lahaa nidaamka dijitaalka ah ee lagu maamulayo dakhliga nootaayooyinka, gaar ahaan marka la kala wareejinayo hantida guurtada iyo ma-guurtada ah.

Gabagabadii kulanka, labada Wasaaradood ayaa kala saxeexday Habraaca Wada-shaqayneed oo qeexaya sida loo maaraynayo loona hirgelinayo nidaamka online-ka ah ee qabashada dakhliga nootaayooyinka. Habraacan ayaa muhiim u noqon doona xoojinta isku-xidhka labada Wasaaraddood, hufnaanta dakhli-qabashada iyo casriyeynta adeegyada la xidhiidha kala-wareejinta hantida guurtada