Nooc bisad cusub oo duurjoog ah ayaa laga helay Bolivia

0
10

Nooc Bisad ah oo barbaro leh oo la arkay kaymaha Bolivia ayaa la xaqiijiyay inay tahay nooc cusub oo bisad ah.Bisaddan yar, oo muuqaalkeedu soo jiidanayo dadka, waxaa lagu khaldi jiray bisadaha kale ee duurjoogta ah ee ay wadaagaan dhibco iyo xargo isku mid ah.Laakiin daraasadaha DNA-da ayaa muujinaya in bisaddu ay dhab ahaantii ku jirto fasal u gaar ah, taas oo muujinaysa inta aan la garanayn ee ku saabsan qaar ka mid ah naasleyda ugu qarsoon adduunka.

Saynisyahannadu waxay rajeynayaan in daahfurku uu soo jiidan doono dareenka ilaalinta bisadaha shabeelka u eeg, oo ah koox bisado duurjoog ah oo yaryar oo laga helo Koonfurta iyo Badhtamaha Ameerika kuwaas oo si aad ah u hela dareenka dadweynaha marka loo eego kuwa ay isku qoyska yihiin ee waaweyn sida libaaxyada, Herim-cadka iyo shabeellada.

Bisadaha shabeelku waa bisado yaryar oo duurjoog ah oo laga helo Badhtamaha iyo Koonfurta Ameerika, laga bilaabo Costa Rica ilaa Bolivia iyo Argentina. Waxay u muuqdaan kuwo aad isugu eg, xitaa khubaradu way ku adkaan karaan inay kala saaraan. “Waa natiijo la yaab leh in aan helnay nooc cusub oo adduunka ah, kaas oo ah Leopardus tilcayo ,” ayuu yidhi Paola Nogales-Ascarrunz oo ka tirsan Duqa Universidad de San Andres ee La Paz, Bolivia.

“Waa wax cajiib ah in weli ay jiraan noocyo cusub oo sugaya in la ogaado: intaan tegayno foolkaano, jasiirad, ama badda oo qotada dheer.”Sawirro Getty

Hal xubin oo nool oo ka mid ah noocyadan ayaa la ogyahay – bisad ku jirta goob lagu badbaadiyo dadka oo ku taal Bolivia – laakiin saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in kuwa kale ay jiraan. Bisadan 10 jirka ah, oo lagu naanayso ‘Tigrino’, ayaa ahayd tii saynisyahannada ku qasabtay inay sahamiyaan. Saynisyahan u dhashay dalka Bolivia oo lagu magacaabo Dr Nogales-Ascarrunz ayaa iskaa wax u qabso ku samaynaysay xarunta badbaadada markii ay aragtay bisadda oo u muuqata mid aan caadi ahayn.

Waxaa kaynta ka helay qof deegaanka ah, kaas oo markii hore u maleeyay inay tahay bisad guri joogta ah. Si kastaba ha ahaatee, markii ay sii weynaatay, waxay caddaatay in aanay u dhaqmin sida bisad guri joogta ah. Dr Nogales-Ascarrunz wuxuu maqlay in bisado yaryar oo duurjoog ah lagu arkay kaymaha cufan ee gobolka Yungas ee dalka, laakiin kuwaas ma aanay baadhin saynisyahannadu.

Si ay u xalliso sirta, waxay la shaqeysay cilmi-baadhayaal kale oo ka kala yimid adduunka oo dhan si ay u baadhaan taariikhda qoyska ee bisadaha shabeelka, iyaga oo adeegsanaya DNA-da xayawaanka nool iyo muunadaha matxafka. “Waxaa jira diiwaanno ama sawirro aad u yar, qofna ma joogo matxaf, sidaa darteed way dhuumanaysay sababtoo ah cidna ma fiirinayn,” ayuu yidhi Eduardo Eizirik, oo ah khabiir ku takhasusay hidde-sidaha ilaalinta ee Jaamacadda Katooliga ee Pontifical ee Rio Grande do Sul ee Brazil.