Hargeysa (Dawan) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shalay ka qaybgalay munaasabadda xidhitaanka Kulanka Islaamka Sannadlaha ah, oo sannad kasta lagu qabto magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb galaan in ka badan 150 kun (150,000) oo qof oo ka kala yimaadda gobollada Somaliland, waddamada Geeska Afrika iyo meelo oo ka mid ah daafaha dunida.
Kulanka Islaamka oo sannad kasta ay martigeliso magaalada Hargeysa ayaa isu keena kumannaan Muslimiin ah iyo culimo waaweyn oo caan ka ah dunida Islaamka, iyo sidoo kale aqoonyahanno ku xeeldheer culuumta iyo barashada Diinta Islaamka. Munaasabadda xidhitaanka oo shalay lagu qabtay Hargeysa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Duqa Caasimadda Hargeysa, Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Caddaaladda, iyo masuuliyiin kale.
Kulankan Islaamka oo 25-kii Sebtembar ka furmay caasimadda Somaliland ayaa muddadii uu socday lagu soo bandhigay duruus, muxaadarooyin iyo waanooyin diini ah oo ay jeediyeen culimo iyo aqoonyahanno ku xeeldheer culuumta Islaamka. Waxay bulshada ku boorriyeen xoojinta iimaanka, ku-dhaqanka Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka (NNKH), akhlaaqda wanaagsan, ilaalinta amniga iyo qiyamka suubban ee bulshada.
Nuxurka kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray nabadda, walaaltinimada iyo wada noolaanshaha bulshada, iyadoo culimadu ku dhiirrigeliyeen bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala-qaybsanaan, isla markaana ay xoojiyaan isu-tanaasulka, isu-naxariisashada iyo is-qaddarinta. Culimadii iyo aqoonyahannadii ka qaybgalay ayaa sidoo kale bulshada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo waanada diiniga ah ee laga barto kulanka loo beddelo camal wanaagsan, akhlaaq suuban iyo dhaqan bulshada anfaca.
Munaasabadda xidhitaanka ayaa lagu soo gunaanaday farriimo ku saabsan iimaan, nabad, walaaltinimo iyo wadajir, iyadoo Hargeysa mar kale martigelisay kulan diini ah oo ay kumannaan Muslimiin ahi isugu yimaaddeen si ay u bartaan Diinta Islaamka, u xoojiyaan iimaankooda, uguna baraarugaan muhiimadda nabadda iyo midnimada bulshada.



















