Myles Lewis-Skelly ayaa bandhig muhiim ah ka sameeyay kulankii England iyo Spain ee UEFA Nations League, isaga oo 20-jirkan Arsenal ka tirsan uu markii ugu horreysay fursad weyn uga helay khadka dhexe ee xulka qaranka kulanka heerka ugu sarreeya. Lewis-Skelly ayaa waqti aad u yar gudaheed ku soo maray isbeddel weyn, maadaama afar bilood ka hor uu ahaa ciyaaryahan booskiisa Arsenal ku waayay, sidoo kalena aanu qayb ka noqon xulkii England ee Koobkii Adduunka, halka maanta uu noqday ciyaaryahan si dhab ah loogu tixgelinayo mustaqbalka khadka dhexe ee England.
Ciyaaryahankan waxaa muddo dheer ku adkaatay, gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore in uu Arsenal ka helo boos joogto ah. Iyada oo marwalba laga doorbidasyay difaaca bidix ee Riccardo Calafiori iyo Piero Hincapié, isla markaana ay arrin adag u muuqanaysay in uu helo fursad uu kaga ciyaaro khadka dhexe. Xaaladdaas oo xitaa keentay in mustaqbalka Lewis-Skelly ee Arsenal su’aalo laga keeno, sidoo kalena la rumeysnaa in iibkiisu uu suuragal noqon karo.
Si kastaba, markii Arsenal ay u baahatay ciyaaryahan khadka dhexe ah, gaar ahaan xilli Martin Zubimendi uu daal dareemayay, Lewis-Skelly ayaa dib loogu soo celiyay safka koowaad ee kooxda, waxaana uu si weyn uga faa’iidaystay fursaddaas. Lewis-Skelly wuxuu sidoo kale door muhiim ah ku lahaa safarkii Arsenal ee Champions League, isagoo bandhig fiican ka sameeyay semi-finalkii ay la ciyaareen Atlético Madrid, halka uu sidoo kale ciyaaray finalka, inkastoo Arsenal ugu dambeyn koobka ku weyday kulankoodii PSG oo rigoodhayaal ku qaaday.
Xiddigani markii uu xilli ciyaareedkan si wanaagsan ku bilowday, Thomas Tuchel ayaa mar kale ugu yeedhay xulka England, waxaana Lewis-Skelly fursad muhiim ah loo siiyay kulankii adkaa ee Spain, Isaga oo si tartiib ah u helay kalsooni, isla markaana si wanaagsan uga qayb qaatay dhismaha ciyaarta, cadaadiska Spain-na ka gudbay isla markaana sameeyay dhaq-dhaqaaqyo wanaagsan, kubado muhiim ahna bixiyay. Si kastaba ha ahaatee. Kulanka Spain wuxuu Lewis-Skelly u ahaa imtixaan adag, balse wuxuu muujiyay inuu awood u leeyahay inuu la jaanqaado heerkan sare, taas oo xoojinaysa aragtida ah inuu mustaqbalka door muhiim ah ka qaadan karo khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka England.



















