Dibad-baxyo ka dhana Trump

0
81

Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Trump ayaa lagu arkay magaalada Kuala Lumpur, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaashu ay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin inaan madaxweynaha lagu soo dhaweynayn Malaysia.

Booqashada Trump ee 5-ta maalmood ah ee diblumaasiyadeed ee Aasiya ayaa waxa uu booqan doonaa Malaysia, Japan iyo South Korea, iyadoo ajandaha ugu sarreeya uu yahay ganacsi. Sida wariyeyaashu ku  sharaxeen qoraal hore, qaar badan oo ka mid ah Muslimiinta Malaysia ayaa aad u dhaliilay taageerada Maraykanka ee Israa’iil ee dagaalka Qasa.