Sida ay tibaaxayaan wararka ka imanaya shabakadda ugu afka dheer ciyaaraha ee Sky Sports, kooxda Manchester United ayaa lagu wadaa inay gaadho hadafkooda xilli-ciyaareedka haddii ay sii wadaan qaab ciyaareedkooda hadda oo ay saddex kulan oo Premier League ah oo xidhiidh ah badiyeen. Maamulka sare ee kooxda, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha fulinta Omar Berrada iyo Agaasimaha ciyaaraha Jason Wilcox, ayaa la rumeysan yahay inay ku qanci doonaan haddii kooxda ugu yaraan ku dhammeysato booska lixda sare, taasoo u xaqiijin karta inay mar kale ka qeybgalaan tartamada Yurub. Tani sidoo kale waa yoolka tababare Ruben Amorim, kaasoo xilli-ciyaareedkii hore kooxda gaadhsiiyay Final-kii Europa League, inkastoo ay ugu dambeyntii ku lumisay kooxda Tottenham ee uu hoggaaminayay Ange Postecoglou. Inkasta oo kooxda ay meel fiican timid maalmahan, haddana waxaa weli jira dareen taxaddar oo aan buunbuunin ku jirin, waxaana loogu tala-galay inaanay cidna niyad jabin haddii natiijooyinyu hoos u dhacaan. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in United aanay qorsheyneyn inay lacag badan ku bixiso suuqa Janaayo, taasoo la micno ah in Amorim uu ku shaqeyn doono isla ciyaartoyda uu hadda haysto ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.























