Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxaynu ku soo qaadan doona Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo bilowday qorshe ay ku dardargelineyso ololaha tallaalka carruurta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Ujeeddadu waa in bulshada loo gaadhsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, carruurta oo dhan la tallaalo, hooyadana la siiyo daryeel caafimaad oo joogto ah. Agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxda tallaalka heer gobol ee wasaaradda.
Kulankan waxa agaasimaha guud ku wehelinayay agaasimaha waaxda tallaalka, madaxa xidhiidhka gobollada, madaxda nafaqada, iyo isuduwaha wasaaradda ee gobolka Awdal, ayaa sidoo kale ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday guulihii laga gaadhay ololaha tallaalka carruurta ee “Big Catch-Up Campaign”, caqabadihii la kulmay intii lagu jiray afartii maalmood ee ugu horreysay iyo qorshayaasha lagu dhammaystirayo saddexda maalmood ee soo socda.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa kula dardaarmay dhammaan madaxda iyo shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Awdal in ay si hufan uga shaqeeyaan gaadhista tirada ugu badan ee carruurta la tallaalayo, kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo hubinta in adeegyada tallaalku noqdaan kuwo tayo leh oo la isku halayn karo.
Dhanka kale, Isuduwaha wasaaradda ee gobolka Daadmadheedh ayaa magaalada Hara-shiikh ka furay barnaamij caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka loogu fidinayo adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Barnaamijkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda UNFPA, waxaa furitaankiisa ka qayb galay maamulka caafimaadka gobolka iyo masuuliyiin ka socday xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Isuduwaha caafimaadka gobolka ayaa sheegay in adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanku ay yihiin laf-dhabarta caafimaadka bulshada, maadaama caafimaadka hooyadu uu saldhig u yahay caafimaadka qoyska iyo bulshada guud ahaan.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ku doonayso in la horumariyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, loogana hortago dhimashada iyo xanuunnada la xidhiidha hooyada iyo dhallaanka.
Isuduwaha Gobolka Awdal, Dr. Muuse Axmed Aadan iyo Maayarka Magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim, ayaa si rasmi ah u daahfuray wareegii saddexaad ee ololaha tallaalka carruurta ee Big Catch-Up.
Ololahan waxaa lagu beegsaday in lagu tallaalo in ka badan 30,000 oo carruur ah oo ku nool gobolka Awdal.
Tallaalada la siinayo waxaa ka mid ah kuwa ka hortagga shubanka iyo oof-wareenka, kuwaas oo door weyn ka qaata ilaalinta caafimaadka carruurta da’da yar.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday WHO, UNICEF iyo madaxda waaxda tallaalka ee gobolka.
Ololahan waxaa fuliyey 103 kooxood oo moobil ah (Mobile Teams) iyo 412 shaqaale caafimaad, kuwaas oo si joogto ah uga shaqaynaya dhammaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Awdal, si loo hubiyo in aanay jirin carruur aan helin tallaalka.
Dr. Muuse Axmed Aadan ayaa ku boorriyay waalidiinta iyo bulshada inay si buuxda uga qaybqaataan ololaha, isagoo xusay in tallaalku yahay tiir muhiim u ah ilaalinta caafimaadka jiilka mustaqbalka.
Sidoo kale, Isuduwaha Gobolka Awdal, Dr. Muuse Axmed Aadan, ayaa furay tababar u gaar ah shaqaalaha caafimaadka ee ka qaybqaadanaya wajiga saddexaad ee ololaha tallaalka.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa lagu xoojinayaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha si ay bulshada ugu fidin karaan adeegyo tallaal oo tayo sare leh.
Waxaana goob joog ahaa masuuliyiin ka socday hay’adaha wada-shaqaynta la leh Wasaaradda iyo madaxda caafimaadka ee gobolka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sii wadaysa dadaallada lagu gaadhsiinayo bulshada adeegyo caafimaad oo tayo leh, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta caafimaadka carruurta, hooyada, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada ee ku saabsan muhiimadda tallaalka iyo daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah.
Nuxurka Fariinta Barnaamijkan
Barnaamijkan caafimaadka toddobaadkan wuxuu diiradda saaraya dadaallada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee lagu xoojinayo ololaha tallaalka carruurta (Big Catch-Up Campaign) iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Fariinta ugu weyn ee barnaamijku xambaarsan yahay waa, in la dardargeliyo tallaalka carruurta si caruurta oo dhan loo gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, in la horumariyo adeegyada hooyada iyo dhallaanka iyadoo la hirgelinayo barnaamijyo caafimaad oo bilaash ah, in la tababaro shaqaalaha caafimaadka si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo lagu tayaynayo adeegyada bulshada iyo in la wacyigeliyo bulshada muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.
Ujeeddada guud waa in Wasaaraddu sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo caafimaad guud oo tayo leh, lana yareeyo cudurrada iyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Barnaamijku wuxuu dhiirrigelinayaa ka-qaybgalka bulshada ee ololaha tallaalka iyo ilaalinta caafimaadka, isaga oo muujinaya sida Wasaaraddu uga go’an tahay dhisidda bulsho caafimaad qabta oo mustaqbalkeedu sugan yahay.

























