Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in Israa’iil aanay aqbali doonin in ciidamada Turkiga in la geeyo Gaza.
Hadalka Saar ayaa ah hadalkii ugu faahfaahsanaa ee ay Israa’iil ka soo saartay arrintan.
Isagoo ka hadlayay booqashadiisa Hungary, Saar ayaa sheegay in “Turkiye, oo uu hoggaamiyo [madaxweyne] Erdoğan, in ay cadaawad ah u qabto Israa’iil.”
“Sidaas darteed, ma ogolaan doono in ciidamadooda millatarigu ay galaan marinka Qaza, waxaanna arrintan la wadaagnya saaxiibadayada Mareykanka ” ayuu yidhi Gideon Saar.
Arrintan ayaa sidoo kale soo baxday kadib booqashadii madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ee todobaadkii hore.
Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa 22-kii October tilmaamay in uu ka soo horjeedo suurtagalnimada in ciidamo Turki ah loo diro Gaza.
Hadalkan ayuu Netanyahu jeediyay mar uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance 21-kii Oktoobar.

























