Qore Wariye C/wahaab Daahir
Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa furay kulan-hawleed lagu falan-qaynayo Manhajka waxbarashada Maamulka maaliyadda dawladda (PFM), iyo Barashada Cashuuraha kaas oo lagu qabtay xarunta Xisaabiyahannada Somaliland (ICPAS).
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Agaasimayaal iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, AYAA ujeedkiisu ahaa xoojinta joogtaynta aqoon-korodhsi iyo xirfad-dhisidda saraakiisha ka shaqaysa Maamulka Maaliyadda iyo Cashuuraha Dawladda, si loo horumariyo tayada adeegga iyo hufnaanta maamul.
Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wasaaraddu waxa ugu badan ee ay ku shaqaysaa uu yahay nidaam iyo cashuuro kuwaasi oo sida uu sheegay u baahan in la koriyo oo qofka ku shaqyanayaa uu barto isla markaana aqoon durugsan u yeesho.
Waxa uu intaasi u ku daray in sanadkan ay dadaal ku bixiyeen in wasaaraddu yeelato manhajka Cashuuraha iyo mid maamulka maaliyadda ah kaasi oo ka caawinaya in aqoonta shaqaalahu samayso kor u ka cheer sare ah isla markaana qofku marba heer ka gudbo.
Agaasime Maxamed Xasan Saleebaan ayaa cadeeyey in wasaaradda maaliyadda shaqadeeduba ay tahay mid ku dhisan xirfad, aqoon, xeer iyo khibrad qofka intaasi aan ku hubaysnayn ay adkaanays in adeega ay wasaaraddu bulshada u hayso ay fuliso, waxana uu carabka ku adkeeyey in manhajkani yahay Meesha ay ka dhaqaaqayaan.
Manhajkan oo ay diyaariyeen khubaro muwaadiniin ah oo ka tirsan Xarunta Xirfadlayaasha Xisaabaadka Somaliland (ICPAS), waxa uu saldhig u yahay qorshe lagu dhisayo kuliyad gaar ah oo u heellan aqoon-korodhsi iyo tababbar xirfadeed oo loo sameeyo saraakiisha ka hawlgasha Cashuuraha, Kastamka, Xisaabaadka, Miisaaniyadda, Hanti-dhawrka Gudaha, Hanti-dhawrka Guud, Maamulka Maaliyadda Dawladda iyo Iibka Dawladda.
Wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland oo mudnaanta siinaysay horumarinta awoodda iyo aqoonta shaqaalaheeda sannadihii u dambeeyay, ayaa manhajkan diyaarisay iyada oo kaashanaysa ICPAS, isla markaana ay taageero ka helayso Baanka Horumarinta Afrika. Tani ayaa waxa ay noqonaysaa manhajkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay Wasaaraddu si rasmi ah u hirgeliso, si loo adkeeyo nidaamka xirfad-dhisidda Maamulka Maaliyadda Dawladda.




















