Rooney Oo Sheegay Kooxda Uu Rabo Inay Premier League Ku Guuleysato Xilli Ciyaareedkan

0
218

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa aaminsan in Arsenal ay ka hormari doonto Manchester City si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxaan u maleynayaa in arrin weyn ay noqon doonto haddii Manchester City iyo Arsenal ay ku kulmaan UEFA Champions League,” ayuu yidhi Rooney, isagoo hadalkan sheegay ka hor barbarrihii Arsenal ay la gashay Wolves.

“Shucuurta ku xeeran final-ka EFL Cup, kulamada Champions League iyo sidoo kale kulanka ka dhici doona Etihad, shucuurta kulamadaas iyo waxa ay keeni doonaan, kooxda adkaata ayaan u maleynayaa inay ku guuleysan doonto horyaalka.

“Anigu waxaan doorbidayaa Arsenal inay ku guuleysato horyaalkan. Waxaan u ciyaaray Manchester United 13 sano! Aniga ahaan, Liverpool waa kooxda aanan rabin inay ku guuleysato horyaalka, waxaa kaloo ii soo raaca City. Waxaan u maleynayaa in Arsenal farqi yar ku guulaysan doonto”