Kylian Mbappé Oo U Hanjabay Xiddigii Cunsuriyadda Kula Kacay Vinicius jr

0
201

Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa u sheegay garabka Benfica, Gianluca Prestianni, inaannu iman kulanka lagu ciyaari doono Santiago Bernabéu Stadium, ka hor lugta labaad ee isreeb-reebka UEFA Champions League ee ka dhici doonta Spain.

Mbappé ayaa sheegay in ciyaaryahan kan lagu eedeeyay cunsuriyad aannu u qalmin inuu soo xaadiro “garoonka ugu fiican dunida.”

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Vinícius Júnior uu sheegay in Prestianni ugu yeeray “daanyeer” intii lagu jiray lugtii hore ee Portugal habeenkii Talaadada.

Dhanka kale, UEFA ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdada eedeynta cunsuriyadda, iyagoo sheegay inay hadda baarayaan arrinta.

UEFA waxay sheegtay inay magacowday “kormeere anshax iyo anshax-marin” si uu u baaro wixii dhacay intii lagu jiray kulanka.

Mbappé ayaa sidoo kale taageeray Vinícius, isagoo sheegay inuu maqlay erayga “daanyeer” oo loo adeegsaday Vinícius shan jeer.

Si kastaba, Prestianni ayaa baraha bulshada kaga jawaabay eedeymaha, isagoo sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasirtay.

Mbappé ayaa u sheegay TNT Sports: “Waxaan u maleynayaa in Gianluca Prestianni aannu imaan Bernabéu, oo ah garoonka ugu fiican dunida. Uma qalmo, mana aha inuu ciyaaro.”