Saadaasha Alan Shearer Ee Kulamada Premier League Ee Usbuucaan

0
204

Laacibkii hore ee weerarka uga ciyaari jiray Newcastle United, Alan Shearer, ayaa shaaciyay saadaashiisa kulamada toddobaadkan ee Premier League.

Loollanka horyaalka ayaa mar kale isu dheellitirmay kadib markii Arsenal ay dhibco ku lumisay kulankii ay la ciyaartay Wolves.

Manchester City ayaa marka hore la ciyaari doonta Newcastle, ka hor inta aannay Gunners u safrin Tottenham Hotspur.

Toddobaadkan kulamadiisa waxaa lagu soo gabagabeyn doonaa marka Manchester United ay u safarto Everton.

Shearer ayaa u sheegay Betfair:

“Chelsea vs Burnley: Saadaal — Chelsea ayaa badin doonta.

Manchester City vs Newcastle: Saadaal — Manchester City ayaa badin doonta.

Tottenham vs Arsenal: Saadaal — Arsenal ayaa badin doonta.

Everton vs Manchester United: Saadaal — Barbaro.”