Heshiiska cusub ee Bukayo Saka uu la saxeexday Arsenal ayaa ka dhigay mid ka mid ah 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Premier League.
24-jirkan ayaa hadda qaadanaya £300,000 toddobaadkii, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda. Wuxuu ka sarreeyaa saaxiibadiisa Arsenal sida Kai Havertz (£280,000 toddobaadkii) iyo Gabriel Jesus (£265,000 toddobaadkii).
Si kastaba, ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka Ingiriiska weli waa Erling Haaland oo ka tirsan Manchester City, kaasoo qaata £525,000 toddobaadkii.
10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Premier League:
- Erling Haaland (Manchester City) – £525,000 toddobaadkii
- Mohamed Salah (Liverpool) – £400,000 toddobaadkii
- Casemiro (Manchester United) – £350,000 toddobaadkii
- Virgil van Dijk (Liverpool) – £350,000 toddobaadkii
- Bukayo Saka (Arsenal) – £300,000 toddobaadkii
- Bruno Fernandes (Manchester United) – £300,000 toddobaadkii
- Omar Marmoush (Manchester City) – £295,000 toddobaadkii
- Alexander Isak (Liverpool) – £280,000 toddobaadkii
- Kai Havertz (Arsenal) – £280,000 toddobaadkii
- Gabriel Jesus (Arsenal) – £265,000 toddobaadkii























