Sheekh Shabcaan oo ku Baaqay in Abaarta Dadka iyo Duunyada ku Habsaday Gurmad loo Fidiyo

0
184

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan) Sheekh Shabcaan Cabdilaahi Aadan oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa qudbaddii jimcaha ee shalay ee Masjid Waaxyeyn ee Hargeysa kaga hadlay xaalada abaareed ee dalka ka jirta iyo mooganaanta dadka magaalooyinka ku dhaqan. Waxaanu ku baaqay in loo gurmado dadka iyo duunyada abaartu ku dhufatay oo bisha Ramdadaan la isu naxariisto oo la isu gurmado isla markaana la isu naxariisto.

Waxaa kale oo uu culimada iyo madaxdhaqameedka ugu baaqay in ay gurmad nabadeed in ay ka galaan colaada beela ha walaalaha ah ee galbeedka ka jirta. Sheekha ayaa intaa raaciyay in bulshada looga baahan yahay in ay ALLE bariga badiyaan oo salad roob doon ah in la tukado.

Sheekha oo arrimaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Maanta inagoo ku jirna bishii barakaysnayd ee Ramadaan waxaa jira labadii ugu adkaa ee laga ducaysan jiray oo ah colaad iyo abaar, maanta miygii duunyadii iyo dumarkii iyo caruurtiiba abaar baa ku haysa ragii isagu wuu daaqayaa oo doog buu cunayaa oo xaalada lagu jiro ba ma oga, markaa waa in aynu isu naxariisano oo aynu u gurmano nugulkii dad iyo duunyaba way jilicsan yihiin.”

Sheekh ayaa ka hadlay colaadda ka jira gobolada galbeed ee Selel iyo Awdal, waxaanu ugu baaqay culimada iyo madaxdhaqameedka coaada laga gurmado oo nabad iyo wanaag lagu soo aslaaxiyo dadka walaalaha ah ee colaadda iyo abaartuba wada saamaysay. “Waxaa jirta colaad ka taagan galbeedka dalka oo dhiig ayaa daadanaya waxaana loo baahan yahay in madaxdhaqameedka iyo culimadu ba in ay ka gurmadaan oo dadka wanaagooda laga shaqeeyo oo la aslaaxiyo.”

Sheekh Shabcaan oo ka hadlayay in ALLE la isu dhiibo oo RABBI lagu xdhnaado oo la ducaysto,ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in ducada RABBI la badiyo oo la is dhul dhigo oo umaduna si run ah isu saamaxdo.