Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Dawlada Hoose ee Gabilay oo Ka Jawaabtay Khalad ka Dhacay MCH

0
160

Qore Khadar M. Dhako

Gabilay (Dawan):- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo dswladda hoose ee Gabilay, ayaa si wada jir ah uga jawaabay una qaatay qalad dhanka shaqada ah oo ka dhacay MCH 18 May ee degmada Gabilay oo xilli ay timi hooyo u baahnayd adeeg bixin caafimaad ay ku soo begantay iyadoo ay goobta ka maqan yihiin shaqaalihii iyo hawlwadeenadii caafimaad ee xiligaa shaqada ku qornaa.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Axmed Maxamuud Jaamac iyo Maayerka Magaalada Gabilay Cabdirashiid Haybe Faarax Daacad ayaa soo kormeeray MCH ka Magaalada Gabilay. Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Axmed Maxamuud Jaamac ayaa tilmaamay inay kormeerro kala duwan ku soo mareen xannaanooyinka kala duwan ee magaalada Gabilay.Waxaanu yidhi”Waxaanu kormeero kala duwan ku soo marnay xannaanooyinka kala duwan ee magaalada Gabilay,hooyada warkeedu na soo gaadhayay waxa ay timid MCH 18 May ee Magaalada Gabilay 5:30 tiimkii shaqada u lahaa wakhtigaa shaqada kumay jirin.waxaana dambiga qaadan doona cidii shaqada ku qornayd.waxaana masuuliyada leh Wasaarada Caafimaadka iyo dawlada hoose ee Magaalada Gabilay.

Sidoo kale Maayerka Magaalada Gabilay Cabdirashiid Haybe Faarax Daacad ayaa sheegay in ay saxeen khaladaadkii ka dhacay MCH 18 May.Waxaanu yidhi “Waxa aanu u kuurgalnay xaalada Caafimaad ee Magaalada Gabilay iyo arintaa ka dhacday MCH 18 May ee ay heli waday hooyada adeegii Caafimaadka.wixii halkaa ka dhacay khaladkeeda anaga ayaa qaadanay waxaanan qaadnay tallaabooyinkii lagu saxi lahaa”.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Maayerka Gabiley, iyo Isu-duwaha Caafimaadka ee gobolka Gabiley ayaa shalay booqday hooyada foosha ahayd ee lagu soo warramay inay ku umushay bannaanka hore ee Xanaanada caafimaad ee magaalada Gabiley. Hooyadan ayaa la sheegay inay xarunta timid waaberigii hore, qiyaastii shantii subaxnimo, balse ay ku umushay xanaanada horteeda. Masuuliyiinta ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Gabiley ayaa caddeeyay inay si wadajir ah u qaadeen masuuliyadda dhacdadaas, isla markaana ay ka shaqayn doonaan in wax laga qabto arrimaha sababay waxana ay cadeeyeen in dhacdadan masuliiyadeeda si gaar ah loogala xisaabtami doono shaqaalihi wakhigaasi shaqada ku qornaa.