Wasaaradda Warfaafinta oo Dardar-Gelisay Horumarinta Warbaahinta Qaranka iyo Arrimaha Aqoonsiga

0
160

Hargeysa (Dawan) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Wasiirka mudane Muuse Askar Guuleed ayaa shalay hor tegey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan ka siiyay hawlaha kala duwan ee wasaaraddu ku hawlan tahay iyo qorsheyaasha u degsan mustaqbalka.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Askar Guuleed waxa uu guddida uga warramay doorka muhiimka ah ee wasaaraddu ka qaadatay hawlaha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in Warfaafintu ay laf-dhabar u tahay gudbinta xaqiiqada Somaliland iyo wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Askar Guuleed waxa uu ka hadlay dhammaystirka Tiyaatarka Wasaaradda, oo ah mashruuc muhiim u ah horumarinta fanka iyo suugaanta, isla markaana kaalin weyn ka qaadanaya kobcinta hiddaha iyo dhaqanka dalka. Wasiirka ayaa guddida la wadaagay dhismaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka, taas oo ujeedadeedu tahay kor-u-qaadista wacyiga diinta Islaamka iyo faafinta barnaamijyo diini ah oo tayo leh.

Waxaa kale oo uu Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Askar Guuleed xusay dadaallada lagu sameeyay in Radio Hargeysa laga dhegeysan karo telefoonada gacanta, si gaar ahna ay uga faa’iidaystaan bulshada ku nool dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka ka fog ateenooyinka, taas oo wax weyn ka taraysa baahida war-helidda bulshada.

Intaa waxaa dheer, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Askar Guuleed waxa uu sheegay in wasaaraddu ay dardar gelisay soo saarista warbixinno iyo macluumaad ku baxa afaf kala duwan, sida English iyo Af-Carabi, si loo gaadhsiiyo fariinta Somaliland bulshooyinka caalamka.

Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in kor loo qaaday wax-soo-saarka fanka iyo suugaanta, isla markaana la kordhiyay tirada idaacadaha FM-yada, lana dayactiray idaacadihii hore u fadhiyay, si loo xoojiyo gaadhista warbaahinta qaranka. Waxaa kale oo uu xog dhammaystiran ka siiyay halka ay marayaan Xeerka iyo Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambayn, Wasiir ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhiirigelisay kooxaha kala duwan ee fanka iyo suugaanta, iyada oo la abuuray jawi taageero iyo horumar u horseeda hal-abuurka iyo aqoonyahannada dalka. Kulankan ayaa qayb ka ah wada-shaqayn iyo isla-xisaabtan joogto ah oo u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo Golayaasha Qaranka, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo wacyigelin bulsho oo dhamaystiran. Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL oo ay ka mid ahaayeen: guddoomiyaha Wargeyska Dawan, agaasimaha Radio Hargeysa iyo agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha.

Dhanka kale, Hay’adda caalamiga ah ee DT Global ayaa heshiis wada shaqayn (MoU) ah oo istiraatiiji ah la saxeexatay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland. Hay’adda iyo Wasaaradda ayaa waxa ay ka wada shaqayn doonaan fulinta mashruuca (Horn of Africa Culture for Peace – HoAC4P) oo ah mashruuc ka shaqaynaya ilaalinta iyo dhawrista dhaqanka. Mashruucan waxa maalgelinaya Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Dawladda Switzerland (SDC), waxaana si wada jir ah u hirgelinaya Hay’adda DT Global iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, gaar ahaan waaxda Dhaqanka.

Mashruucani waxa uu ka taageeri doonaa Wasaaradda diyaarinta Hab-raacyo Qaran oo lagu ilaalinayo Dhaqanka aan la taaban Karin (Intangible Heritage – ICH), kaas oo waafaqsan xeerarka caalamiga iyo kuwa Hay’adda UNESCO. Waxa kale oo mashruucu dhisi doonaa cududda shaqaalaha iyo madax qaybeedyada Wasaaradda ee ka shaqeeya Waaxda Dhaqanka, Kaydka Cajaladaha Idaacadda, Kaydka Telefishanka Qaranka iyo dhammaan xirfadlayaasha iyo hal-abuurka ku hawlan kaydka iyo dhawrista arrimaha Dhaqanka.

Heshiiska waxa si wada jir ah u saxeexay: Wasiir-ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Muuse Askar Guuleed, iyo Madaxa Mashaariicda DT Global ee Somaliland Mudane Mukhtaar Yuusuf Cismaan. Waxa kale oo goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, kaas oo ku tilmaamay heshiiskan mid wax badan ku soo kordhinaya Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta kale ee ka qayb-galay waxaa ka mid ahaa: Agaasimaha Waaxda Dhaqanka Mudane Abokor Caddaawe Raage, Ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka Marwo Fatxiya Axmed Jimcaale, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha Mudane Jaamac Cawil Nuux, Madaxa Mashruuca C4P, Marwo Muna Axmed Cumar iyo Madaxa Mashruuca PSPH Mudane Axmed Aadan.