72 shabeel oo ku dhintay xannuun ka dilaacay Beerta dalxiiska Thailand

0
208

Maamulka Chiang Mai, oo ah magaalo ku taal waqooyiga Thailand, ayaa baadhaya dhimashada daraasiin shabeello ah oo ku dhintay meel dalxiiska oo caan ku ah.

Toddobaatan iyo laba shabeel ayaa ku dhintay wax ka yar laba toddobaad bishan, iyaga oo ku dhintay laba xarumood oo ku yaal Tiger Kingdom Chiang Mai, oo ah beer ay booqdayaashu u daawasho tagaan shabeelka caar-caarka leh ee laga helo bariga Aasiya.

Waaxda xoolaha ee deegaanka ayaa sheegtay in muunado laga soo qaaday shabeellada ay muujiyeen fayraska distemper ee Eyda – inkasta oo mas’uuliyiintu aysan xaqiijin sida uu cudurkani u dhacay.

Saraakiisha ayaa shir jaraa’id Sakaasadii ku sheegay in fayrasku aanu sii faafin, dhimashadii shabeelkuna joogsatay. Waxay raaciyeen in aanu jirin wax bini’aadam ah oo cudurka qaaday.

Maamulka ayaa sheegay in meydadka shabeellada la aasay, waxaana la soo jeediyay in shabeellada xannuunku hayo la dilo.

Sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, shabelladu waxay ka mid ahaayeen in ka badan 240 shabeel oo ku noolaa labada xarumood ee Tiger Kingdom Chiang Mai.

Fayraska distemper ee Eyda waa cudur aad u faafa oo weerara habdhiska neefsashada, caloosha iyo neerfaha cida uu ku dhaco. In kasta oo caadi ahaan laga helo eyda, haddana wuxuu sidoo kale ku dhici karaa shabeellada iyo qoyska bisadaha.

Marka laga soo tago fayraska distemper ee eyda, xafiiska xoolaha ee gobolka Chiang Mai ayaa toddobaadkii hore sheegay in muunado laga soo qaaday meydadka shabeellada ay sidoo kale laga helay bakteeriyada la xidhiidha cudurrada neefsashada.

“Markii aan ogaanay xannuunka, deg deg ayuu u faafay,” Somchuan Ratanamungklanon, agaasimaha waaxda xoolaha qaranka, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah – isaga oo xusay inay adag tahay in la ogaado cudurka shabeellada marka loo eego xayawaanka sida bisadaha ama eyda guryaha caadiga ah.

Somchuan ayaa u sheegay wariyeyaasha Salaasadii in mas’uuliyiintu ay ka soo ururiyeen muunado laga soo qaaday meydadka shabeellada, digaagga ay cunaan iyo agagaarkooda.

Xafiiska xoolaha ee gobolka ayaa hore u sheegay in baadhitaanno hordhac ah ay muujiyeen in shabeellada ay qaadeen cudurka parvovirus ee bisadaha. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sidoo kale markii hore ka shakiyay in cudurka uu ka dhashay hilib digaag oo wasakhaysan oo la siiyay shabeellada, sida uu ku warramay wargeyska Bangkok Post.

Digaag ayaa sidoo kale looga shakisanaa inuu sabab u ahaa cudur faafa oo weyn oo ka dhacay beerta xayawaanka ee Shabeelka ee gobolka Chonburi sanadkii 2004. Xaaladdaas, ku dhawaad ​​150 shabeel ayaa dhintay ama la dilay si looga hortago faafitaanka hargabka.

Kooxaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegaya in kiiskan uu muujinayo xaaladda nololeed ee liidata ee shabeellada la haysto ee loo isticmaalo madadaalada Thailand.

Hay’adda Saaxiibada Duurjoogta ee Thailand ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhimashada shabeellada ay muujisay “nuglaanta xad-dhaafka ah ee xarumaha duurjoogta ee maxaabiista ah ee u nugul cudurrada faafa”.

“Masiibo sidan oo kale ah aad ayay u yaraan doontaa inay dhacdo” haddii dalxiisayaashu ay “ka fogaadaan” meelaha soo jiidashada leh, ayay Peta Asia ku tiri bayaan ay soo saartay.

Tiger Kingdom Chiang Mai ayaa si ku meel gaar ah loo xiray muddo laba toddobaad ah iyadoo mas’uuliyiintu ay wadaan shaqada jeermiska dila.