Madaxtooyada oo Ciidsiisay Caruurta Xarunta Dhaqan-celinta iyo Dadka Danyarta ah ee Magaalada Burco

0
219

Qore Khadar M. Dhako

Burco (Dawan) Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa shalay ku wareejiyay dharkii Ciidda Xarunta carruurta dhaqan-celinta iyo dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Burco. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dharkaas ciidda ay bixisay Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ugu deeqday carruurta lagu xannaaneeyo xaruntan.

Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo ah masuulka xarunta carruurta dhaqan-celinta iyo dadka danyarta ah ee Magaalada Burco ayaa uga mahadnaqay Madaxtooyadda Somaliland, iyo guddoomiyaha Gobolka Togdheer deeqdan dharka Ciidda ah, isaga oo tilmaamay in deeqdani ay farxad gelinaysa carruurta iyo dadka baahan ee xaruntan lagu daryeelo, isla markaana ay deeqdani suuro-gelinayso in carruurtu ay farxadda ciida kala qayb-qaatan bulshada inteeda kale.

Guddoomiyaha gobalka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo hadal ka jeediyay manaasibaddii wareejinta deeqdan ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland waajib ka saaranyahay in dharka ciida ku wareejiyaan xarunta dhaqancelinta iyo dadka danyarta ah ee magaalada Burco.

Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, Guddoomiyaha gobalka Togdheer oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu ku wareejinaynaa Xarunta dhaqancelinta iyo danyarta ee magaalada Burco,dharkii ciida oo ay soo dirtay Madaxtooyadda Somaliland si caruuraha danyarta ahi ula ciidaan dadka muslimiinta oo waajibaad inaga saaran yahay.waana waajib xukuumadda saaran.sidaa daraadeed qofba waa in qof kaalmeeyo ayaan ka codsanayaa dadka muslimiinta ah.waana xiliga ay waajibtay sakaatul fidriga,”.

Sidoo kale Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo masuul ka ah xaruntan ayaa waxa uu uga mahadnaqay Madaxtooyadda Somaliland dharka ciida ay ugu deeqday.Waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqaynaa Madaxtooyadda Somaliland oo dharkii ciida soo gaadhsiisay Xarunta dhaqancelinta iyo danyarta ee magaalada Burco”.