“Sharciyadda Qaddiyadda Somaliland iyo Halbeegga Dawladnimadda ee Xeerarka Caalamka” AfriNews

0
192

“Geedka Aqoonsiga Somaliland: Xiddido Sharciyeed iyo Laamo Siyaasadeed” Warbixin Caalamiya AfriNews 24

 “Israa’iil iyo Somaliland: Is-bahaysi beddeli kara awoodda Gobolka Geeska Afrika”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee AfriNews 24 ayaa soo bandhigtay falanqayn qoto dheer oo ku saabsan sharcinimada madax-bannaanida Somaliland iyo doorkeeda juquraafi-siyaasadeed ee amniga iyo dhaqaalaha Geeska Afrika. Falanqayntu waxay si gaar ah u eegaysaa sida Somaliland loogu miisaami karo shuruudaha dawladnimo ee Heshiiskii Montevideo, iyadoo sidoo kale la falanqeynayo saamaynta aqoonsiyada cusub sida kan Israa’iil ku yeelan karaan xasilloonida iyo ganacsiga gobolka.

Falanqaynta uu baahiyay AfriNews 24 ayaa diiradda saaraysa qodobo muhiim ah oo la xidhiidha isbeddelka siyaasadda Geeska Afrika. Muuqaalku wuxuu taabanayaa mawduuc xasaasi ah oo saldhig u ah xasilloonida gobolka iyo saamaynta togan ee aqoonsiga Israa’iil ku yeelanayo horumarka dhaqaale iyo sasaasadeed ee gobolka, iyadoo oo warbixintu si cad u muujinayso in sifooyinka Somaliland ay waafaqsan yihiin shuruudaha qaanuuniga ah, balse ay weli ka maqan tahay xarunta qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay warbixinta AfriNews 24, doodda ugu xooggan ee ay Somaliland haysato waa buuxinta afarta shuruudood oo ka mid ah Heshiiskii Montevideo, kaas oo ah aasaaska sharciga caalamiga ah ee aqoonsiga dawladaha. Waxaana lagu sheegay sidan “Doodda ugu xooggan ee Somaliland haysato waa buuxinta afarta shuruudood ee Heshiiskii Montevideo, kaas oo ah aasaaska sharciga ah ee aqoonsiga dawladaha.

Dad Rasmi ah: Somaliland waxay leedahay dad gaadhaya 5 milyan oo qof, kuwaas oo wadaagga aqoonsi qaran, calan, iyo nidaam cashuureed. Tiradan ayaa ka badan wadamo badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay. Dhul Xadeysan: Iyada oo leh qiyaastii 176,000 km², Somaliland waxay ku fadhidaa xuduudihii maxmiyaddii Ingiriiska ee 1960-kii. Tani waa qodob muhiim ah, maadaama Midowga Afrika (AU) uu qabo in xuduudaha gumeysiga laga dhaxlay aan la beddelin (Uti Possidetis).

Dalad Shaqayneysa: Somaliland waxay leedahay dhammaan laamaha dawladnimada fulinta, xeer-dejinta, iyo garsoorka. Waxay qabsadeen doorashooyin dimuquraadi ah oo ay u tartameen asxaab kala duwan, taas oo muujinaysa bisayl siyaasadeed.

Awoodda Xidhiidhka Caalamiga ah: In kasta oo aan si buuxda loo aqoonsan, Somaliland waxay xafiisyo dibloomaasiyadeed ku leedahay waddamo ay ka mid yihiin Itoobiya, Imaaraadka, Jabuuti, iyo Taiwan. Sidoo kale, heshiisyada dhaqaale ee ay gasho (sida kan dekedda Berbera) waa markhaati cad oo muujinaya awooddan.

Ahmiyadda Juquraafi-siyaasadeed iyo Marinka Berbera: Somaliland maaha kaliya dhul banaan, balse waa goob istiraatiiji ah. Dekedda Berbera waxay ku taal mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan dunida.

Loolanka Qudaha: Maalgashiga baaxadda leh ee Imaaraadka Carabta (DP WORD) ku sameeyay Berbera maaha mid ganacsi oo kaliya, balse waa mid istiraatiiji ah. Goobtan waxay saameyn ku leedahay amniga Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taas oo ah marinka ay maraan tamarta dunida iyo ganacsiga u kala goosha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaamaysaa in aqoonsiga Israa’iil uu yahay go’aan istiraatiiji ah oo wax ka beddelaya nidaamkii hore ee siyaasadda iyo dheelitirka awoodda gobolka. Tallaabadan, sida lagu xusay falanqaynta, waxay Somaliland u furi kartaa albaabada quwadaha reer galbeedka, taas oo si toos ah u kordhinaysa doorka Somaliland amniga iyo dhaqaalaha ee Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kale, warbixintu waxay soo qaadatay tusaalooyin taariikhi ah oo la mid ah xaaladda Somaliland, sida Eritrea iyo South Sudan, waxaana lagu yidhi “Eritrea: Waxay ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, kadib halgan hubaysan iyo afti dadweyne. Sidoo kale, South Sudan: Waxay xornimada qaadatay 2011, kadib heshiis nabadeed iyo taageero caalami ah.

Somaliland-na waxay ku doodaysaa inay raacayso dariiq la mid ah dariiqyadaas hore, iyadoo xusaysa inay hore u ahayd dawlad madax-bannaan 1960-kii ka hor midowgii Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, farqiga ugu weyn ayaa ah in Somaliland ay dhisatay nidaam dawladnimo oo shaqaynaya iyada oo aan helin taageero maaliyadeed oo caalami ah ama kormeer rasmi ah oo ka yimid hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay.”