Muwaadin Shiine ah oo lagu qabtay 2000 qudhaanjo ah uu ka tahriibinayey Kenya

0
143

Nin Shiine ah iyo nin Kenya ah oo la hawlgelayey ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si sharci darro ah uga ganacsanayeen noocyada duurjoogta ka dib markii la qabtay iyaga oo isku dayaya inay ka tahriibiyaan in ka badan 2,000 oo qudhraanjo nool oo beerta loo yaqaano Queen garden ants Kenya.

Zhang Kequn ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Nairobi toddobaadkii hore ka dib markii mas’uuliyiintu ay ogaadeen in qudhaanjo badan ay ku jirto Shandad ama boors uu sitay, iyada qudhaanjada  lagu mooriyey ama lagu soo guray tuubooyin la xafiday.

Salaasadii, maxkamad ku taal Nairobi ayaa maqashay in Zhang uu qudhaanjada ka iibsaday Charles Mwangi 10,000 oo shilin Kenya ah ($77; £58) boqolkiiba.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ka digayay doonitaanka Qudhaanjada ee sii kordheysa  iyada oo qudhaanjada loo doonayo dalal Yurub iyo Aasiya. Zhang iyo boorsooyinkiisuba waxay u socdeen Shiinaha.

Mwangi oo ah ninka reer Kenya ee la socday Zhang ayaa wajahaya dacwad labaad oo ku saabsan macaamil ganacsiyeed sharci daro ah, ka dib markii isagana lagu helay qudhaanjo nool oo badan.

Labada ninba way diideen denbiga lagu soo oogay, waxaanay sheegeen in aanay wax dambi ah gelin, sida ay sheegtay warbaahinta Nairobi.

Qareenka Zhang David Lusweti ayaa sheegay in raggaasi aanay ogeyn inay jebinayaan sharciga.

Zhang iyo Mwangi ayaa mar kale maxkamadda hor iman doona 27-ka Maarso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duurjoogta Kenya ayaa BBC-da u sheegay in la filayo in la xidho dad badan.

Dhacdadan mid la mid ah, bishii May ee sannadkii hore, maxkamad ku taal Kenya ayaa afar nin ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan $7,700 (£5,800) ka dib markii ay isku dayeen inay dalka ka dhoofiyaan kumanaan qudhaanjo isla beertan.  .