Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa shalay , xilalka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabad-Galyada ee Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha cusub ee Guddida.
Munaasibad ballaadhan oo xil-wareejineed ayaa lagu qabtay xarunta golaha wakiillada Somaliland, taas oo ay xilka kula kala wareegeen Guddoomiyihii hore ee Guddida, Mudane Aadan Cismaan Xarbi iyo Guddoomiye ku Xigeenka cusub ee Guddida Arrimaha Bulshada, Mudane Guuleed Maxamed Warsame.
Guddidii hore ee Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabad-Galyada ee Golaha Wakiillada aya aguddida cusub ku wareejiyay xeerarka iyo qabyo-qoraallada ay guddidii hore gacanta ku haysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Jinsiyada iyo Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Argagixisada.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnihii hore iyo xubnaha cusub ee Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca Iyo Nabad-Galyada, iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada, Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Ugu dambayn, xil-wareejintan ayaa si habsami leh uga qabsoontay xafiiska Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca Iyo Nabad-Galyada ee Golaha Wakiillada gudoomiye giire ayaa gudidan xilka la wareegtay urajeeyay in alle ku asturo waajibaadka qaran ee loo igmadey una gutaan si masuulyadleh, isagoo dhinaca kale mahadnaq ujeediyay gudidii hore armaha gudaha,oo ku amaanay mudadii ay xilka soo hayeen iyo sida fiican ee ay usoo shaqeeyeen.




















