Horn Business Insights: “Aqoonsiga Somaliland ee Israel Waa Halgan 34-Sanno ah oo Midhadhalay”

0
123

“Isra’il iyo Somaliland: Bilowga isbahaysi cusub oo ka curtay Geeska Afrika”

Somaliland oo Noqotay Xuddunta Istaraatijiyada Caalamka ee Qarnigga 21-aad” Warbixin:

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Horn Business Insights ayaa tilmaantay in aqoonsiga dawladda Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland aanu ahayn oo keliya guul diblomaasiyadeed iyo horumar siyaasadeed oo kooban, balse uu yahay natiijo cad oo ka dhalatay halgan dheer oo ku dhowaad 34 sano socday iyo qiraalka xaqiiqada sharci ee qaddiyadda Somaliland, isla markaana muujinaya curashada iyo bilowga is-bahaysi cusub oo ka hanaqaadaya Geeska Afrika.

Warbixintan caalamiga ah oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay warbaahinta Horn Business Insights, waxay sidoo kale xustay in aqoonsiga Somaliland ee 2025 uu yahay fariin si weyn ugu socota beesha caalamka, taas oo muujinaysa in xasilloonidu tahay hanti qaali ah oo saldhig u ah kasbashada kalsoonida caalamiga ah. Isla markaana Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo dheer si joogto ah u dhisaysay hantidaas qiimaha badan.

Warbaahintan caalamiga ah ayaa sidoo kale warbixinteeda ku lafogurtay sida aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu u saameeyay xasilloonida Gacanka Cadmeed, tartanka quwadaha caalamiga ah ee ku loolamaya marinnada ganacsiga, iyada oo xustay in tallaabadan taariikhiga ahi aanay kaliya ahayn aqoonsi diblomaasiyadeed, balse ay tahay dhaqdhaqaaq istiraatiiji ah oo ruxay xididdada isbahaysiyada soo jireenka ah.

Waxa kale oo warbixinta lagu xusay doorka istaraatiijga ah ee heshiisyada cusub ee Bariga Dhexe, sida ‘Abraham Accords’ iyo sida ay Somaliland ugu guulaysatay inay noqoto saaxiib soo jiita indhaha caalamka iyo xuddunta istiraatiijiyadda casriga ah ee qarniga 21-aad, iyadoo adeegsanaysa xasilloonideeda iyo masiirkeeda juqraafi ee ay ku taallo. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay, miisaanka xidhiidhka cusub ee dhex maray Somaliland iyo Israa’iil iyo saamaynta weyn ee uu ku yeelan karo isu-dheelitirka awoodda ee caalamka,

Horn Business Insights waxa kale oo ay xustay “Aqoonsiga Israel ee Somaliland maaha oo keliya saxeex diblomaasiyadeed; balse waa qiraal ka turjumaya halgan soo jiray in ka badan soddon sano, isla markaana astaan u ah dhalashada isbahaysi cusub oo si toos ah u taabanaya jihada siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Aqoonsiga Somaliland ee ee lagu dhawaaqay sannadkii hore 2025, wuxuu ahaa farriin si cad ugu socota Dunida: Taas oo si dhab ah u muujinaysa in xasilloonidu ay tahay hantidas cusub ee lagu iibsado kalsoonida caalamka. Somaliland-na waxay ay muddo dheer ku dhisnayd tiirkaas.”

Warbixinta Horn Business Insights waxa kale oo ay intaasi raacisay “Geeska Afrika wuxuu muddo dheer ahaa mid ka mid ah gobollada ugu saamaynta badan uguna xasaasisan adduunka, marka la eego goobta uu ku yaal iyo loolanka quwadaha shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, arrintii dhacday dabayaaqadii sannadkii 2025, ee ku saabsanayd aqoonsigii rasmiga ahaa ee ay Israa’iil u fidisay Somaliland, ayaa noqotay tallaabo beddeshay wejigii siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee gobolka. Tallaabadan oo timid ka dib in ka badan 30 sanno oo ay Somaliland halgamaysay, maahan oo kaliya dhacdo diblomaasiyadeed ee waa mid ruxday saaxadda siyaasadeed ee gobolka iyo ta caalamkaba.”

Horn Business Insights sidoo kale waxay si cad u muujisay qiimaha juquraafiyadeed ee Somaliland u leedahay caalamka. Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay ku taallo is-goys istaraatiiji ah oo isku xidha Ganacsiga Afrika, Yurub iyo Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxay iftiimisay in Somaliland ay gacanta ku hayso xeeb aad u dheer iyo marinno muhiim u ah isu socodka ganacsiga adduunka, halkaasi oo qiyaastii ay maraan 12% shixnadaha ganacisga caalamka oo ay ku jiraan shidaalka iyo gaasta muhiimka ah.

Sida lagu soo bandhigay falanqayntan cusub, horumarka dekadda Berbera, oo ay maalgalisay shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa Somaliland ka dhigtay xarun istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh sahayda iyo saadka dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya. Dhinaca kale, warbixintu waxay tilmaantay in Israel oo danaynaysa amniga maraakiibteeda Badda Cas ay u aragto horumarkan mid u sahlaya inay hesho saaxiib istaraatiiji ah oo ku yaalla mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ee ganacsiga caalamka.

Gabagabada falanqayntan Horn Business Insights waxay muujinaysaa in isbeddelladani aanay ahayn kuwo si kedis ah u yimid, balse ay ka dhasheen dedaallada Diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo halgankeeda mudda dheer, kuwaasi oo horseeday wadahadallo qarsoodi ah oo socday muddo badan, iyada oo xustay “Magacaabista danjireyaasha labada dhinac, Dr. Maxamed Cumar oo loo magacaabay Israa’iil iyo Michael Lodum oo loo magacaabay Somaliland, waxay tilmaamayaan bilowga iskaashi dhab ah oo ku saabsan tignoolajiyada, amniga, iyo ganacsiga. Tallaabadan waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka xulafada cusub sida United Arab Emirates iyo Israel, gaar ahaan iyadoo la raacayo jihada Abraham Accords.”