Arsenal Oo Garaacday Newcastle, Dibna Ula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka

0
144

Kooxda Arsenal ayaa dib u la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League ka dib guul ay si adag uga gadhtay Newcastle United, taas oo qayb ka ahayd wareegga 34-aad ee horyaalka, iyadoo ciyaartu ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

Goolka qura ee ciyaarta lagu kala baxay waxaa dhaliyay xiddiga Eberechi Eze, ka dib markii la soo laaday kooner dhulka ah oo uu helay Kai Havertz, kaas oo markaas kubadda u gudbiyay Eze. Eze ayaa darbo aad u qurux badan ka soo tuuray geeska xerada ganaaxa, isagoo kubadda dhex dhigay shabaqa Newcastle.

Guushan muhiimka ah ka dib, Arsenal waxay dhibcaheeda kor ugu qaadday 73 dhibcood, iyadoo fadhida booska koowaad ee Premier League. Dhanka kale, Newcastle United ayaa wali ku jirta kaalinta 14-aad iyadoo leh 42 dhibcood.

Manchester City ayaa hadda u dhacday kaalinta labaad iyadoo leh 70 dhibcood, balse waxaa xusid mudan inay u dhiman tahay hal kulan oo baaqi u ah oo ay la ciyaari doonaan kooxda Crystal Palace