Gollaha Wasiirrada Isra’il oo si Rasmiya u Ansixiyay Safiirka Dalka Israel ee Somaliland

0
142

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil ayaa hambalyo u dirtay Danjire Michael Lotem, kadib markii dawladda Israa’iil ay u magacawday inuu noqdo Safiirka cusub ee Israa’iil u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabista Danjire Lotem ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah, maadaama uu noqonayo safiirkii ugu horreeyey ee Israa’iil u fadhiya Somaliland.

Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook, ayaa lagu sheegay in magacaabista Michael Lotem ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal. Wasaaraddu waxay muujisay in tallaabadani ay leedahay macno weyn, iyadoo lagu tilmaamay inay tahay bilowga tallaabo cusub oo lagu xoojiyo iskaashiga rasmiga ah ee Israa’iil iyo Somaliland.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Israa’iil ayaa ansixiyay magacaabista Safiirka cusub ee Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, sida lagu daabacay warbaahinta Bloomberg. Waxaa la caddeeyay in Danjire Michael Lotem uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyo in uu sare u qaadi doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta.

Sida lagu sheegay warbixinaha caalamiga ah ee arrintan la xidhiidha, Danjireyaasha labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil ayaa isdhaafsaday aragtiyo iyo qorshayaal muujinaya mustawaha xidhiidhka labada dhinac. Warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale tilmaantay in la filayo in la weyneeyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta, taasoo sare u qaadi doonta iskaashiga labada dal.

Magacaabista Danjire Michael Lotem ayaa ku soo beegantay xilli uu si weyn u sii xoogaysanayo xidhiidhka iyo iskaashiga istaraatiija ah ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil. Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland sannadkii 2025, taasoo ka dhigan horumar ku saabsan aqoonsiga iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. Tallaabadan ayaa Somaliland ka dhigaysa dal si firfircoon u soo jiidanaya taageero caalami ah.