Heshiis-ka Somaliland iyo UAE: “Xidhiidh Sir ah oo Beddelaya Khariirada Geeska Afrika”

0
249

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan Sida lagu sheegay warbixin caalami ah oo uu baahiyay kanaalka Horn Vision, xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa noqday mid ka mid ah mawduucyada ugu hadal-heynta iyo xiisaha badan ee masraxa juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Warbixintan oo uu soo xigatay WARGEYSKA DAWAN, ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa danaha istiraatiijiyadeed ee labada dhinac, maal-gashiga dekedaha, iyo saamaynta ballaadhan ee heshiisyada iskaashi ee Somaliland iyo UAE ku leeyihiin gobolka.

Warbixintu waxay sidoo kale iftiiminaysaa dadaallada istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka Carabta ee ku wajahan Somaliland, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo diiradda saaraya sidii Somaliland u noqon lahayd xarun muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka iyo caalamka. Waxa ay xustay in xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka uu leeyahay dhinacyo istiraatiiji ah oo taariikhi ah, kuwaas oo si toos ah u saameynaya siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan Dekedda Berbera iyo isbeddellada ka socda marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, warbixintu waxay si gaar ah u muujisay muhiimadda maal-gashiga Imaaraadka Carabta ee Dekedda Berbera, taas oo loo arko fursad weyn oo Somaliland u suurtagelinaysa in ay si firfircoon uga qayb qaadato isku xidhka ganacsiga caalamiga ah iyo Geeska Afrika. Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in mashruuca Berbera uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo ay ku jiraan aagga ganacsiga xorta ah iyo garoonka diyaaradaha, kuwaas oo kor u qaadaya awoodda Somaliland ee soo jiidashada maalgashiga iyo ballaadhinta fursadaha ganacsi.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in heshiiskani door muhiim ah ka ciyaarayo amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo ilaalinta marinnada muhiimka ah ee maraakiibta. Waxaanay xustay “Imaaraadka Carabta ayaa Berbera ka dhisaya shabakad istiraatiiji ah iyo silsilad awood badan oo dhica badda ah, taas oo muhiim u ah ganacsiga Badweynta Hindiya. Tani waxay sidoo kale Itoobiya u suurtagelinaysaa in ay hesho marin ganacsi oo cusub oo ka jaban kana ammaan badan Jabuuti, taas oo hoos u dhigaysa kharashaadka ganacsiga.”

Gabagabadii, warbixintan caalamiga ah waxay tilmaamaysaa in heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabta aanu ku koobnayn kaliya iskaashi ganacsi, balse uu yahay isbeddel istiraatiiji ah oo dib u qaabaynaya khariidadda juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. “Iskaashigani wuxuu Somaliland siinayaa fursad ay ku xoojiso aqoonsigeeda iyo saamaynteeda siyaasadeed ee gobolka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixintan.