“Istaraatijiyaddaha Cusub ee Somaliland iyo Is-beddelka Ka Soo Ifbaxay Gobolka”

0
140

Hargeya (Dawan) Warbixin iyo falanqayn caalami ah oo lagu baahiyey barnaamijka The Brink ayaa iftiimisay muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika, gaar ahaan marinnada ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Barnaamijkan oo kulmiyay saxafiyiin caan, ayaa lagu sheegay in caalamku Somaliland maanta u arko deegaan xasilloon oo leh nidaam dimuqraadi ah iyo maamul shaqaynaya, xilli gobolka ay ka jiraan loollan xooggan oo ay ku tartamayaan quwadaha waaweyn ee caalamka.

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay leedahay xeeb dheer oo istiraatiiji ah, taas oo qayb weyn ka qaadata isu socodka ganacsiga adduunka. Waxa lagu sheegay in xasilloonida Somaliland iyo nidaamkeeda dawladnimo ee dimuqruaadiga ahi ay soo jiiteen indhaha waddamo badan sida, Imaaraadka Carabta, Maraykanka iyo Turkiga, kuwaas oo danaynaya amniga marinnada badeed iyo maalgashiga gobolka.

Suxufi Rageh Omaar oo ka mid ahaa saxafiyiinta ruug cadaaga ah ee barnaamijkan ka qayb-galay ayaa sheegay in Somaliland ay si cad ugu muujisay adduunka in ay tahay deegaan dimuqraadi ah, isla markaana leh nidaam doorasho oo joogto ah, kaas oo suuro-geliyay in awoodda si nabdoon loola kala wareego. Waxa uu sidoo kale xusay in isbedel weyni ku yimid siyaasaddii beesha caalamka oo markii hore Somaliland si gaar ah loo tixgelin jiray, balse hadda ay wax badani iska bedeleen arrimaha gobolka iyo siyaasadaha caalamiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in caalamku si isa soo taraysa u eegayo xaqiiqooyinka ka jira dhulka, gaar ahaan marka la barbar dhigo xasilloonida Somaliland iyo caqabadaha amni ee ka jira gobolka intiisa kale, gaar ahaan Soomaaliya. Waxa lagu dooday in Somaliland ay noqotay meel muhiim u ah istiraatiijiyadda amniga iyo dhaqaalaha gobolka, taas oo sii kordhin karta xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay la yeelanayso waddamada daneeya gobolka Geeska Afrika.

Gabagabadii, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxay muujisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay maanta ku jirto marxalad cusub oo ay si ballaadhan ugu kasbatay dareenka iyo xiisaha waddamada caalamka. Sidoo kale warbixintu waxay xustay in Somaliland ay isku darsatay xasillooni gudaha ah, dimuqraadiyad, iyo istiraatiijiyad diblomaasiyadeed oo casri ah, si ay u xoojiso doorkeeda gobolka iyo xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka.