Chelsea oo Heshay War Farxad Leh oo ku Saabsan Cucurella

0
122

 

Difaaca bidix ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Spain, Marc Cucurella, ayaa si cad u soo afjaray wararka xanta ah ee la xidhiidha inuu ka tagayo garoonka Stamford Bridge, isagoo sheegay inuu aad uga faraxsan yahay xaaladdiisa hadda ee kooxda Blues. Xiddigan oo ku jira qaab ciyaareed aad u sarreeya ayaa albaabada u xidhay kooxaha waa weyn ee dalkiisa hooyo ee doonayay inay dib ugu celiyaan horyaalka La Liga.

Cucurella ayaa caddeeyay in maskaxdiisu ay hadda si buuxda u degsan tahay, isla markaana aanu doonayn inuu ku mashquulo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xilli uu dalkiisa Spain u matalayo koobka adduunka. Wuxuu tilmaamay in tartankan weyn uu yahay muhiimaddiisa koowaad, wax kasta oo ku saabsan mustaqbalka kooxdana dib loo dhigi doono.

Si uu isaga ilaaliyo carqaladaynta maskaxeed, Cucurella wuxoo shaaca ka qaaday inuu amar ku siiyay wakiilladiisa iyo dadka isaga matala inaanay u keenin wax war ah ama dalabyo ah oo ka imanaya kooxaha kale inta uu tartanku socdo.

“Waxaan ku faraxsanahay meesha aan joogo. Waxaan u sheegay dadka i matala in aanay hadda wax war ah ii keenin,” ayuu yidhi Cucurella. In kasta oo muddooyinkii u dambeeyay si xooggan lala xidhiidhinayay naadiyada reer Spain ee Barcelona iyo Atlético de Madrid, Cucurella ayaa ka fogaaday inuu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan suurtogalnimada inuu ku biiro kooxahaas. Markii si toos ah loo weydiiyay labadaas naadi, wuxuu si kooban ugu jawaabay: “Barcelona ama Atlético? Su’aasha xigta i weydii!”, taas oo muujinaysa inuu gabi ahaanba diiday inuu ka hadlo suuqyada hadda.