Malaayiin arday caafimaad oo rejaynaya in ay galaan Jaamacadaha caafimaadka ee Hindiya ayaa u fadhiisanaya imtixaan muhiim ah kaas oo dhowr jeer oo hore la joojiyey, ka dib markii la sheegay in la dusiyey in su’aalaha imtixaanka.
Ardayda ayaa aad u cadhaysan una werwersan iyaga oo la kulmaya hubin iyo baadhitaano dhinaca aqoonsiga iyo indhaha ah (biometric-ga), waxa kale oo aad loo baadhay xarumaha imtixaanka subaxnimadii Axaddii.
Hawlgalka imtixaanka waxa ka qayb galay ciidamada oo dhan, oo ay ku jiraan ciidamada cirka Hindiya oo waraaqaha imtixaanka cusub u qaadayey gobollo qaar, halka booliiska iyo saraakiisha ciidamada la geeyay 5,440 xarumood oo imtixaan ah oo ku yaal dalka oo dhan.
Imtixaankan oo loo soo gaabiyo NEET-UG, waa imtixaanka Qaranka ee U-qalmitaanka gelitaanka kulliyadaha caafimaadka (Undergraduate), ayaa looga baahan yahay ardayda gala si ay ugu biiraan kulliyadaha caafimaadka ee Hindiya.
Malaayiin qof ayaa imtixaanka gala sannad kasta, boqolkiiba in yar ayaa gudubta si ay u helaan boos jaamacadeed.
Ku dhowaad 2.28 milyan oo arday ah ayaa imtixaanka u fadhiistay 3-dii May, iyaga oo sanado iyo bilo badan diyaarinayey laakiin waa la joojiyey, waxaana la sheegay in dib loogu fadhiisan doono.
Warka ah in la joojiyay ayaa gaadhay arday badan, wuxuuna dhaliyey dibadbaxyo ballaadhan, waxaana Wasiirka Waxbarashada Dharmendra Pradhan laga dalbaday in uu is casilo.
Muu samayn, isaga oo ardayda la hadlayey Axadii ka hor imtixaanka, waxa uu yidhi: “Si cabsi la’aan ah u fadhiista, idinka oo aan walwal qabin, waadna fiicnaan doontaa.”
Hay’adda Qaranka ee Imtixaanaadka (NTA) ayaa sheegtay in qol kasta oo imtixaan ah, oo ay fadhiisanayaan in ka badan 95,000, lagu rakibay kamarado amni, isla markaana guud goobaha imtixaanka lagu rakibay in ka badan 1.3 milyan oo kamarado ah.
Waxay intaas dheer la isticmaalayaa 51,311 oo qalab ah, loo isticmaalayo in ay joojiyaan taleefanka iyo faragelinta korontada. Waxaa si ku meel gaadh ah loo xidhay baraha Telegram ilaa Isniinta, iyada oo laga walaacsan yahay in barnaamijka fariimaha loo isticmaali karo khiyaamo.
Ku dhowaad 39,000 oo shaqaale baadhitaan ah ayaa laga shaqaaleysiiyay guud ahaan dalka si ay u hubiyaan waxyaabaha mamnuuca ah, sida ay sheegtay NTA, waxaana jiri doona 40-50 shaqaale amni ah oo ku sugan xarun kasta oo imtixaan ah.
Waxay kula talisay ardayda inay “iska indha tiraan wararka xanta ah iyo farriimaha been abuurka ah ee ‘dusinta warqadaha’ ee ku wareegaya baraha bulshada”, iyaga oo sheegay in loogu talagalay inay “kharribaan oo ay walaac abuuraan”.
Shirkadda India Today ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kooxaha eeyaha la geeyay si ay ula socdaan meelaha ku xeeran xarumaha qaarkood.
Waxay sidoo kale sheegtay in la dhaqan gelinayo xeerarka dharka ee adag, oo ay ku jiraan mamnuucidda kabaha xidhan, iyo in haween qaar laga codsaday inay ka saaraan biinanka sanka, dunta timaha iyo waxyaabaha curcurka lagu xidho.
Iyada oo ay jirto amniga oo la adkeeyay, qaar ka mid ah ardayda ayaa sheegay inay wali ka walaacsan yihiin in wax walba ay mar kale qaldami karaan.
“Cabsi ayaa jirta sababta oo ah warqadda [imtixaanka] ayaa mar hore soo baxday. Tani ma aha wax hal mar dhaca, sanad walba way dhacdaa,” arday magaciisa ku sheegay Diksha ayaa u sheegay Reuters.
“Markan [mas’uuliyiintu] way ogaadeen waxayna mar kale imtixaanka qabanayaan, taas oo ah wax wanaagsan sababta oo ah ardayda si adag u shaqeysay waa inay helaan natiijooyin cadaalad ah.”
Imtixaanku wuxuu socdaa saddex saacadood iyo 15 daqiiqo, wuxuuna ka kooban yahay 180 su’aalood oo ku saabsan fiisigiska, kiimikada iyo bayoolajiga.
Arday badan ayaa haysta casharro gaar ah si ay u horumariyaan waxqabadkooda imtixaanka, laakiin heerka dhibka, oo ay weheliso sida ay ugu tartan badan tahay helitaanka meelaynta jaamacadda, ayaa arkay shabakadaha dambiyada abaabulan ee Hindiya oo fursad u helaya inay ka faa’iidaystaan khiyaanada imtixaanka.
Eedeymaha ku saabsan daadinta xogta ayaa loo gudbiyay Xafiiska Dhexe ee Baarista Hindiya (CBI).




















