Qaramada Midoobay: Milateriga Myanmar waxay dileen in ka badan 700 oo Rayid ah muddo lix bilood gudahood ah

0
56

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in militariga Myanmar uu mas’uul ka ahaa in ka badan 700 oo qof oo rayid ah oo ku dhintay doorashadii lixda bilood ahayd ee sannadkii hore.Warbixin cusub oo laga soo saaray bishii Agoosto ilaa Janaayo ayaa sheegaysa in ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen in ugu yaraan 702 qof la dilay, oo ay ku jiraan 224 haween ah iyo 153 carruur ah.

Waxay warbixintu daboolaysaa lixdii bilood markii militariga afgambi sameeyay ay ku dhawaaqay doorashooyin, taas oo ah hab si weyn loogu jeesjeesay been abuur sababta oo ah xisbiyada ugu waaweyn ee mucaaradka ayaa laga saaray.

Warbixintu waxay ka digaysaa  in hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah auu sii kordhinayey dhibaatada malaayiin qof.

Milatariga Myanmar ayaa afgembi ku qabsaday xukunka sanadkii 2021, taas oo keentay dagaal sokeeye oo kumanaan qof ay ku dhinteen malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Deegaanno badan oo dalka ka mid ah ayaa weli gacanta ugu jira kooxaha mucaaradka hubeysan.

Warbixinta, oo ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegaysa in duqeymaha cirka “ay ahaayeen sababta ugu weyn ee burburka iyo dhibaatada”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in gobolka Sagaing uu ahaa “gobolka ugu khatarta badan dadka rayidka ah iyada oo militarigu uu ku dedaalayey inuu dib u helo dhul”, iyada oo 191 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan 60 haween ah iyo 30 carruur ah.

Intii lagu jiray weerar bishii Oktoobar, 23 qof, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa la dilay in ka badan 60 kalena way dhaawacmeen markii rasaas ay ku dhacday dad rayid ah oo isugu soo ururay iskuul ku yaal Chaung-U, Sagaing.

Bishii Diseembar, waxay sheegtay in diyaarad militari ay duqeysay dukaan shaah lagu iibiyo oo ku yaal Tabayin, Sagaing, xilli dadku ay isugu soo urureen daawashada ciyaar kubadda cagta ah, taas oo dishay ugu yaraan 19 qof, 20 kalena ay ku dhaawacantay.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay xadgudubyada loo geysto dadka Rohingya ee ay Ciidanka Arakan ku qasbeen inay askareeyaan, iyo sidoo kale dilal, xadhig aan loo meel dayin iyo rabshado galmo.