Strat News Global: “Somaliland iyo Doorkeeda Sii Xoogeysanaya ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”

0
46

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Strat News Global ayaa soo bandhigtay muhiimadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintu waxay si gaar ah u muujisay sida Jamhuuriyadda Somaliland ay sanadihii u dambeeyey u soo jiidatay indhaha iyo dareenka quwadaha waaweyn ee caalamka, iyadoo lagu sababeeyay xiisaha sii kordhaya ee Somaliland isku darka dadaallada diblomaasiyadeed ee joogtada ah, xasilloonida siyaasadeed, iyo goobteeda juqraafiyeed ee istaraatiijiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay si firfircoon uga faa’iidaysanayso fursadaha ka dhashay goobteeda istaraatiijiga ah ee ku taalla Geeska Afrika, iyo xeebteeda dheer ee ku fidsan labada marin-biyood ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas oo ay warbixintu ku tilmaantay kuwa ugu muhiimsan dunida, maadaama ay isku xidhaan Afrika, Bariga Dhexe (Aasiya), iyo Yurub, kuwaas oo Somaliland siinaya muhiimad gaar ah oo la xidhiidha ganacsiga caalamiga ah, amniga badda, iyo isu socodka dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.

Sidoo kale, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay ayaa lagu xustay in Somaliland ay si tartiib ah u yeelanayso saamayn ballaadhan iyo muuqaal cusub oo siyaasadeed iyo dhaqaale, marka la eego isbeddellada ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas. Maadaama oo Somaliland ay ku taallo xarun istaraatiiji ah oo isku xidha ganacsiga, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah. Iyada oo isku darka arrimahaas iyo horumarka maxalliga ah ay sababeen in ay noqotay meel ay si gaar ah isha ugu hayaan daneeyayaasha gobolka iyo kuwa caalamka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn u horumarisay xidhiidhada caalamiga ah iyo siyaadadeeda arrimaha dibadda, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, isla markaana ay xoojisay doorkeeda ku aaddan arrimaha gobolka. Sidoo warbixintu ayaa Dekedda Berbera iyo kaabayaasha dhaqaale ee la xidhiidha ku tilmaantay waxyaabaha ugu istaraatiijisan ee kor u qaaday muhiimadda Somaliland ee dhinacyada ganacsiga iyo isku xidhka suuqyada caalamka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay: “Somaliland waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ay maraan qaar ka mid ah marinnada ganacsiga badda ee ugu muhiimsan dunida. Sidoo kale, Dekedda Berbera waxay leedahay muhiimad weyn, maadaama ay siin karto dalalka dunida iyo shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah marin ganacsi oo ku wajahan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya. Goobtan ayaa ka dhigtay Somaliland meel ay si weyn u danaynayaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka.”

Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay faa’iidada xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo ay tilmaantay in uu door muhiim ah ka qaadanayo kor u qaadista kaalinta caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana uu abuurayo fursado cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Maadaama oo sida la sheegay ay labada dal si toos ah isaga kaashanayaan dhinacyada amniga, tiknoolajiyadda, beeraha, iyo biyaha, taas oo muujinaysa in Somaliland ay ku jirto marxalad istaraatiiji ah oo muhiim ah.

Ugu dambayn, warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in iskaashiga diblumaasiyadeed ee Israa’iil ay Somaliland ka heli karto gaa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin soo jiidashada maalgashi shisheeye, kor u qaadista sumcadda caalamiga ah ee Somaliland, horumarinta dekedaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballaadhinta xiidhadhada diblomaasiyadeed. Isla markaana ay fursadahani Somaliland ka caawin karaan inay sii xoojiso doorkeeda ku saabsan ganacsiga, amniga, iyo siyaasadda Geeska Afrika iyo Badda Cas.