Washington (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wadda dadaallo diblomaasiyadeed oo firfircoon oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga dan-wadaagga ah ee ay la leedahay Maraykanka, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee labada dhinac, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo xasilloonida gobolka. Dadaalladan ayaa muujinaya sida ay Somaliland uga go’an tahay inay sii ballaadhiso xidhiidhadeeda caalamiga ah, isla markaana ay dhisto iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano wadaag iyo mustaqbal fog, isla markaana horseeda natiijooyin wax-ku-ool ah, oo ku dhisan is-faham iyo wada-shaqayn dhab ah.
Booqashada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, uu ku joogo magaalada Washington, D.C., ayaa ah mid xambaarsan muhiimad diblomaasiyadeed iyo mid istiraatiiji ah, iyadoo ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan dadaallada Somaliland ugu jirto xoojinta xidhiidhkeeda caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada muhiimka ah ee caalamka.
Kulamada iyo wada-hadallada uu Wasiirku la yeelanayo dhinacyada kala duwan ee Maraykanka ayaa ah faursad muhiim ah oo ay xukuumadda Somaliland si toos ah ugu soo bandhigayso aragtideeda, danaha qarankeeda iyo doorka ay ka qaadan karto xasilloonida, amniga iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale mudan in la bogaadiyo hadalka Wasiirka oo muujinaya siyaasad diblomaasiyadeed oo ku dhisan wada-hadal, is-ixtiraam iyo dano wadaag. Sida uu sheegay, ujeeddadu waa in la sii xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, lana abuuro iskaashi midho-dhal ah oo horseeda mustaqbal wanaagsan oo labada dhinacba dan u ah.
Washington, D.C. waa xarun muhiim u ah go’aannada siyaasadda caalamka, sidaas darteed joogitaanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo kulamada uu halkaas ka wado waxay muujinayaan firfircooni diblomaasiyadeed iyo dadaallada joogtada ah ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ku horumarinayso danaha iyo himilooyinka Somaliland.




















