Spain oo Ka Walaacsan Qulqulka Muhaajiriinta Afrikaanka ah

0
18

Dowladda Spain ayaa muujisay walaac sii kordhaya kadib markii kumannaan muhaajiriin ah, oo u badan dhalinyaro ka soo jeeda dalalka Afrika gaar ahaan Morocco, ay toddobaadyadii la soo dhaafay gaadheen magaalada Ceuta. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in xarumaha lagu qaabilo dadka soo galootiga ahi ay buuxsameen, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar dheeraad ah iyo taageero ay bixiso dowladda dhexe. Muhaajiriinta ayaa qaarkood u adeegsaday doonyo yaryar iyo qalab sabbeynaya si ay uga gudbaan badda, halka kuwo kalena ay ka gudbeen xayndaabka xadka.
Dhanka kale, Spain iyo Morocco ayaa sheegay inay sii xoojinayaan iskaashiga dhinaca amniga iyo la dagaallanka tahriibka. Dowladda Spain ayaa ku eedeysay shabakadaha tahriibinta dadka inay ka faa’iideysanayaan xaaladda si ay dadka ugu dhiirrigeliyaan socdaallada halista ah. Arrintan ayaa dib u soo nooleysay doodda ku saabsan ilaalinta xuduudaha Midowga Yurub iyo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu maareeyo qulqulka muhaajiriinta, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii kumanaan muhaajiriin ah ay siliga ku xidhan xadka deegaanka Ceuta ee Waqooyiga Afrika ee Spain oo ka yimid Morocco, sida uu sheegay hoggaamiyaha gobolka. Juan Jesus Vivas ayaa sheegay in tas-hiilaadka ay sii yaraanayaan sababtoo ah tirada badan ee dadka soo galaya. Wuxuu ku boorriyay dowladda Spain inay soo farageliso. Sida laga soo xigtay Reuters, Wasiirka Arrimaha Gudaha Spain Fernando Grande-Marlaska ayaa la filayaa inuu booqdo deegaankaas.
Muuqaal fiidiyow ah oo warbaahinta laga sii daayay ayaa muujinaya muhaajiriin isticmaalaya saxiimadaha la buufin karo iyo aaladaha kale ee sabbeynta si ay u gaadhaan Ceuta Khamiistii, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen albaab ku yaal xayndaabka xadka. Ceuta oo ku taal xeebta waqooyi ee Morocco, waxay ka go’an tahay dhulweynaha Spain oo uu kala qaybiyo Gacanka Gibraltar waxayna muddo dheer ahayd meel ay ka qalaan galo muhaajiriinta isku dayaya inay gaadhaan Yurub.
Horraantii bishan, Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa xukuntay inaan si toos ah dib loogu celin karin Morocco muhaajiriinta lagu qabto iyagoo isku dayaya inay badda ku gaadhaan Ceuta ama Melilla, iyada oo aan la marin habraaca sharciga ee saxda ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Spain ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in shabakadaha ka ganacsada dadka ay ka faa’iidaysanayaan go’aankaas si ay “ugu dhiirrigeliyaan muhaajiriinta aan haysan dukumeentiyada sharciyeynta, gaar ahaan dhallinyarada, inay qaadaan jidkan.”
Labada dalba waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan dadaallada lagu xallinayo dhibaatadan, oo ay ku jirto in sida ugu dhakhsaha badan dalka Morocco loogu wareejiyo dhammaan dadka sida sharci darrada ah ku gala Ceuta. Waxaa jira sheegashooyin kala duwan oo ku saabsan tirada muhaajiriinta ka imaanaya Morocco; warbixinnada qaarkood ayaa sheegaya inay tiradoodu gaadhayso boqolaal, halka kuwa kalena ay ku qiyaasayaan inay yihiin kumanaan. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, warbaahinta Spain ayaa ku qiyaastay inta u dhaxaysa 2,000 ilaa 3,000 oo qof in ay soo galeen magaalada Ceuta maalintii Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, booliiska gaarka ah ee Spain (Guardia Civil) ayaan xaqiijin tiradan.
Dhanka kale, idaacadda iyo telefishinka qaranka Spain ee RTVE ayaa soo werisay in “boqolaal” qof ay soo galeen aaggaas maalintii oo dhan. Sida ay ku sheegtay warbixinteeda, in ka badan 1,500 oo qof, oo u badnaa dhalinyaro u dhashay Morocco, ayaa soo gaadhay Ceuta labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Sida ay baahisay RTVE, madaxa maamulka Ceuta, Juan Vivas, ayaa sheegay in meydadka 60 qof laga soo saaray badda bilooyinkii ugu dambeeyay.
Sida ay sheegtay Reuters, wuxuu sidoo kale sheegay mas’uulkaas in gobolku uu wajahayo xaalad bini’aadanimo iyo mid amni, isagoo ka digay in xarumaha lagu qaabilo carruurta aanay la socon waalidkood ay qaabilayaan dad aad uga badan awoodda ay xamili karaan. Tiradan sii kordhaysa ayaa la barbar dhigayaa xaaladdii dhacday bishii March ee 2021-kii, markaas oo qiyaastii 8,000 oo qof ay ku soo galeen Ceuta muddo kooban gudaheed, taasoo keentay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysay Spain iyo Morocco.
Dhulalka Spain ee Ceuta iyo Melilla, oo ku yaalla Waqooyiga Afrika, ayaa ah xadka dhulka kaliya ee kala qaybiya Midowga Yurub iyo Afrika. Sanadihii ugu dambeeyay, Spain ayaa xoojisay ilaalada, waxayna hagaajisay xayndaabyada xadka, isla markaana waxay horumarisay xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Morocco si loo xoojiyo amniga dhulalkan. Inkastoo ay taasi jirto, dadku waxay weli isku dayayaan inay ka gudbaan xadka.